Gabayga:Dal galbaday
Tixdaan DAL GABLAMAY waxaa tiriyey Cumar Cabdinuur Nuux (Nabaddoon) markay taariikhdu ahayd 12/11/2003. Wuxuu abwaanku isagoo ka dabqaadanaya tixdii DUGSI MA LE QABYAALADI ee Alle ha u naxariistee C/laahi Suldaan Timacadde ku cataabayaa gabaygaan murugada leh. Waxaase isweydiin leh Soomaalidii Timacadde ku tilmaamay Dix-dhagaxeed 40 sano ka hor, sida ay Nabaddoon wax uga maqlayaan maanta? Mindi saawira iyo madax muuqda midna lagama samree bal mar kale iyo ii dulqaata waa kaas nabsigu idin dul joogaaye.
Suugaan da´weyn baan rabaa inaan, dillaacshaaye
Ninkay dhagu daloolaan baa kolley, doodda qaayibaa e
An daleeyo maansadu rag bay, daawadood tahaye
Dooddii Suldaan Timacaddaan, dibuga sheekayne
Dugsi male qabyaaladi waxay, dumiso mooyaane
Waa hadal daa´weynoo abwaan, duubay waa hore e
Daartii jannada baan in badan, ugu duceeyaaye
Ilaah baan darxumadaan tusine, uma dulqaateene
Annagaa dul joognee bal aan, dan uga faalloonno.
Dalkii iyo dadkii waxaa ku dhacay, daqarro waaweyne
Dockastaba waxyeellaa ka jira, degelkii Soomaale
Dirqi iyo kax buu taaganyahay, laga diqoodaaye
Doqonniimo iyo waatii Suldaan, uu ka digay waaye
Deelleyda waatuu ku yiri, waa dix dhagaxeede
Aniguna dadkaan la hadlayaan, doc u fayoobeyne.
Dumar iyo caruur iyo waxgarad, waa ay dubayaane
Digtoor iyo abwaan iyo wadani, waa la diriraane
Iyagiyo duggaaguba innaba, wax isma doorshaane
Duqey iyo indheergarad malaha, lagu dugaalaaye
Dibjir iyo majnuun baa hor kaca, daa`in abidkoode
Dabka lagu shidaa bay ku oran, waa durduur dharage
Dalkii oo burburay bay ku oran, dawlad baan nahaye
Duunyo uma dhaqaaqdoo malaha, dalag ay beeraane
Dadka inay baryaan waxaan ahayn, maba daneeyaane
Damiirkoodu wixii fiican buu, kala dagaalaaye
Daabaca ninkii ugu shubay, daba nashleeyaane
Iyagiyo duggaaguba innaba, wax isma doorshaane.
Dal gablamay ninkii doona baa, siin la soo dagiye
Deris iyo shisheeyaba dhammaan, way damaaciyine
U dulqaata waa kaas nabsigu, indin dul joogaaye
Adaa diiday inaad daafacdaan, dagalladiiniiye
Adaa diiday inaad doorataan, daacad muuminahe
Adaa diiday diintii Alliyo, daw walaalnimo e
Ducfigana adaa doortay iyo, dali dhacyeyn taase
Dakhli adinku aad kaydsatseen, weeye diiftanuye
U dulqaata waa kaas nabsigu, idin dul joogaaye.
Kolla kuma dabcaysaan waanadaan, soo dallaalimine
Dadaal weeye iyo waajib tani, doqonse waa mooge
Deg deg ugu gudbiya waa midaan, ugu digaayaaye
Dadku waa walaaliyo xigtiyo, deris an dheereyne
Dabkaan uu munaafiqu shidoo, laysla daba joogo
Iska damiya Soomaalaay midkani, waa dan li´idiine
Dabinkii walaalkiis nin dhigay, damac xun weeyaane
Kolkuu dalaq yiraahdoo dhintuu, dibinta ruugaaye
Digtoonaada midkiin baa mid kale, lagu dabaayaaye.
Dhaqan duuga baa jiroo in badan, laga dab qaataaye
Maxaa duubabkiinnii ku dhacay, dawga ka habawshay
Dabadhilifka qaar maxaa ka dhigay, nacab dantiis yeela
Miyaan duubka loo xirin kolkaas, caano lagu daadin
Miyaan loo duceyn oo Ilaah, deeq ku filan siinin
Daryeeliyo xushmana loogu darin, oon la darajeynin
Dullinimo waxaa kuugu filan, duub la iibsadaye
Can dareerto duubkii aqbala, goor danbuu tabiye
U dulqaata waa kaas nabsigu, idin dul joogaaye.
Dammiin baa farweyn waxaan ahayn, daa`inkiis arage
Shirkii dawlad lagu soo dhisiyo, doodda qaran joogay
Waa kaas ergadii lagu diliyo, door rag oo badane
Waa kaas daneystuhu ka dhigay, aar dibood helaye
Waa kaas ninkii deynta qabay, loo diyaafadine
U dulqaata waa kaas nabsigu, idin dul joogaaye.
Duqey iyo dadweyniyo dablaba, waa ad durugteene
Duullaan iyo duullaan celis ayaa, diin ka dhigateene
Danba looma gelin oo maslaxo, waa la daayacaye
U dulqaata waa kaas nabsigu, idin dul joogaaye
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed