Gabayga:Alleyl Dumay

Ayey gabadhi u doonanayd, gabadhaasoo qurux Illaahay ku manaystay. Raage gabadhu way madax qaaday, oo aad buu u jeclaa. Waxaa gabadhii loo meheriyay Faarax Wiil-waal. Warkii markuu Raage soo gaadhay ayuu jiif iyo joogba diiday, kadibna tiriyey gabaygan layidhaahdo Alleyl Dumay Xilligaas way adkayd in guur iska daaye lahawaysto gabadh u doonan nin kale khaasatan rag-adagaaga, nin karmeedka, laqanka ah, haday dhacdana waxaa lafilan jiray halaag, basbeel iyo moore-duug waxuu yidhi:-


Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye

Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og

Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye
Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale

Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye
Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay

Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay
Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e
Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye

Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye
Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo