Gabayga:Hami
Gabaygan Hami la yidhaahdo, wuxuu abwaanku ku fasilayaa riyo uu habeen ku riyooday waa sida gabaygu u dhacayee Haddii aad hayso qisadan oo dhan noo soo gudbi fadlan. waxuu yidhi:-
Xalay Isniintii waxaa i helay toban umuuroode
Asal gama’na ways idhi hurdana uurka kama seexan
Indhahana makala qaadihayn, aragna way muuqday
Afka kama dhawaaaqayn hadana, aamus ma aan yeelan
Ogaan uma qoslayn oo hadana, iligyaday muuqday
Aradkana dad kuma weheshanayn, ururna waan joogay
Albaabada dibada baan ka iil, aqalna waan jiifay
Istanbuuli cadar layma marin, udugana waydaaray
Oon baa idilay oo biyaan ku agwareegaayay
Onkod iyo hilaac roobna waa, nagu itaaleeyay
ufo dhibicdu may wadin hadana, ooduhuu lulayay
Awaartii manabin oo hadana, wuu anfacay kaynta
Anfariir xaluunbaan hurdada oog la sookacaye
Ilinkaan talaabada ku waday, kol aabaarahaaye
Meeshaan abaarada kutago, aakhir bal aan eego
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed