Gabayga:Dunida
Xilligii Reer Warfaa (Ogaadeen) iyo Maalin Guur (Ogaadeen) uu ka dhex socday dagaalkii xagga gabayada ahaa, ayaa waxaa la wariyey in nin Maalin Guur ah oo silsilada ku jirayi yidhi:
Inta Bari degtiyo Reer Warfaa, ha is bahaysteene
Balanqabaha Doolaal Jiciir, haysku badiyeene
Bar hadduu u tari Muumin Cali, ha isku biirsheene
Maxamuud Cali Beenaleey oo ka mid ah dadkaa lagu soo jiiday dagaalkaa maansada horese aan ugu jirin ayaa gabaygii loo mariyey. Wuxuu tiriyey gabay aad u dheer oo dadka gabayada kala hufaa ay qaarkood qabaan inuu ka mid yahay gabayadii waqtigaa la tiriyey kuwii ugu heerka sareeyey, ileen Maxamuud oo bad ah aftahanimo da’ weyna la kaliyeystay waa lagaa fishaa gabay noocaas ahee. Wuxuu yidhi:
Gabaygaan buruudka u lahaa waan ka baalidaye
Ma bilaabin meeshiyo intay baladu oognayde
Kolkii dunida baasuhu galay yaan buufiskii dhigaye
Nin bandiiradii tiiriyey oo beylahshaan ahaye
Birbirsiiye maansada raggii baasha hayn jiraye
Xalaybaa bastada la ii akhriyey goor habayn badh ahee
Boosteeya caawaan hayaa birimadiisiiye
Burco, iyo Lowyo, Baargaal, Hobyiyo, badaha liilkooda
Balad Weyne, Baydhabiyo Xamar, Baydhiskiyo koonfur
Bilaad Sheekh Xuseen iyo aralada bilaha loo jeedo
Barin Carab leh beydkiyo kabcada lagu bishaaraysto
Baalaha intaa naga jirta ee bada Islaameed ah
Dadka badani waa ii ogyahay baabka maansada e
Badweyn iyo anuu ii yaqaan bilicdii geeraar e
Bilaadada wax laga naadiyaa beydad aan dhigaye
Bukuluu ninkii ii yidhaa yaan baddaan galine
Birmadiyo siddii miinadaan wax u baduugaaye
Bastooladaha meeshaan ku rido laga banjoogowye
Nin aanse duud kawada beeranahay baaquliyo caydii
Iyo aniga baandhada xun waa layga badiyaaye
Uma baran bahdeey iyo in aan bi’iyo Daarood e
Shisheeyaha kolkaan baratano yaan anigu beyjaaye
Gaaniga balaayada dhigay ee huriyey baaruuda
Iyo buugaguu Maxamed Cumar badiyey kiiskooda
Bari waxaa la weydiin ninkii bowlahaa furaye
Orgigii barriga daaqayee cunayey baadkiisa
Ee wiil batraan ihi wankii badhida weyn taabtay
Ee kii lahaa ee ba’naa beerka kala gooyey
Dabadeedna laysugu baxee boqolku ruux weyday
Armuu gabaygu baabkaa noqdaa dunida baaweeya!
Barkad iyo naagtii Bah-Ararsame eeday bilicdeeda
Ee badaladii dirirtay iyo baarcadii lee’atay
Tafadhiig dabeed loo baxshee beelihii rogatay
Armuu gabaygu baabkaa noqdaa dunida baaweeya!
Sida Baalidii dumarka ee baqarka maalaysey
Ee caanihii uga bateen baq iyo faafowga
Ee boqorka dhaadan u tagtee baabada u sheegey
Ees yidhi lo´dii kala badh oo baal u kala qaybi
Dabadeed baroodaha fidmayn bayda kala goysey
Ee kureygu buraduu jeclaa looga soo bixiyey
Ee baaladhuuryadu dabkii beerka kala boodey
Ee baladka weyn ee camiran saartay badhiisa
Ee wada basbeelee…..beesad laga qaadin
Armuu gabaygu baabkaa noqdaa dunida baaweeya!
Nirigii bireeyee cadhadu dhinaca boogaysay
Ee baajaskuu nuugi jiray baasihii galiyey??
Dabadeedna geelii badnaa wada balaayeeyey
Armuu gabaygu baabkaa noqdaa dunida baaweeya!
Midgihii bakhtiga jiitay ee baydhay sanadkii xun
Ee in ay bidciyo ceeb faleen buuga lagu jiiday
Ee si ay dadkii uga baxeen loo badalay haybka
Armuu gabaygu baabkaa noqdaa dunida baaweeya!
Bahdii iyo xigaalkii iyo ninkii baradii weydaarta
Bilaad jaad ku qaybiyo hadduu baalba tagi waayo?
Ama wuu bakhtiyi amase waa loo buraanburiye
Sunihii balwada loo akhrini buuga kuma taale??
Marti baalasha loo daadiyaa waa bakhtiyo duuf e
Buuri iyo sunbaa lagu dari oo layska bi’in soor e
Balaayaa dhacdaye yaa haddaba beel u hoyan doona!
Basarxumo inuu Reer Warfaa budulka qaadsiiyey
Iyo inay bacdii Maalin-Guur baanisanhan keentey
Beentiyo runtuba waadhow bay kala baxaayaane
Aan baxnaansho xaajada kobtii badhida loo saaro
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed