Gabayga:Mashiiqsi
Gabaygan wuxuu ka mid ahaa silsiladii Hurgumo wuxuuna abwaanku tiriyey 1979 isagoo xilligaa joogay magaalada Muqdisho. Wuxuu ugu jawaabayey Khaliif Sheekh Maxamuud oo ahaa ninkii bilaabay silsilada. Wuxuu yidhi Cali Cilmi waxuu yidhi:-
In dhoweydba Miinleyda gabay, waanigaan marin
Waa taan ka maaliyey halkiyo, mooshinkii Guba e
Maantana haddaan lay mudmudin, uma muraadeene
Mufti shiikh ah madal laysu yimid, culimmo maageeran
Minhaajkiyo tuxfaha qiil haddii, laysu mari-waayo
Ma’wiga laga cabbiyo waa muqniga, inan ku laabtaaye
Nin malaasan iyo jaahil waa, marin habaabaane
Hadduu macangag yahay ruuxu waa, meesi kaa lumaye
Maandhow ma fiicnide waxaan, magane kuu sheegay
Maansooyinkaad tirisay iyo, gabayadaad miistay
Macnihiyo ujeeddada kolkaan, aad u kala miiray
Hadduu adiga kula miiggan yahay, maaha kaan rabaye
Murre iyo wuxuu ii dhadhamay, midho dhunkaaleede
Mullaax baan ka waayiyo waxaan, sii macaansado e
Dhegahaygu goortey maqleen, waan mashiiqsadaye
Geedkuba mankiyo ubaxa iyo, midho hadduu saaro
Oo uu magooleeyo indhuhu, milicsadaaniine
Hadduuse mudhuxsan yahay waa malluug, miiqan weligiise
Murtina lagama helo faallo aan, loo maqaan deyine
Miisaan culeysliyo kolkuu, waayo marinkiisa
Milgo waxaan lahayn iyo sidii, meehanaw noqoye
Murugo iyo ciil waa nin rag ah, meheraddiisiiye
Inkastoo masaartiyo warmaha, lagu maleegaayo
Ma cataabo geesiguye waa, mici-adaygaaye
Maraabaha nabsigu waa, sidii moodda galabeede
Masuubo iyo khayr wixii ku hela, Maaliggaa qoraye
Mulki iyo awood ma leh nin kale, waadse moogtahaye
Maqaadiirta Eebbahay haddaad, muran ka keeneyso
Oo aad moodday ruux kale inuu, maamullada haysto
Muslinnimada aad sheegatiyo, magucu waa beene
Mar baad dunida miid iyo karuur, malab ka leeftaaye
Marna dacar khadhaadh iyo sun baa, laga magawshaaye
Mugdigiyo caddada waxa ka dhigay, waa masalo weyne
Mahad weeye Eebbahay wixii, aad ka mudataaye
Mar haddaadse ka iimaan xuntahay, meeriskiyo qaybta
Marinka aad ku joogtaaba waa, kii munaafaqa e
Afartaa sidii macallimada, miin ma ka higgaadshay
Majarihiisa kama leexiyee, muunad ma u sheegay
Afar kalena mayay soo curtiyo, mililiceygii dheh
War laas maax yar miileysi baa, loo mijiliyaaye
Nin waliba muggii kama heliyo, waa maroorsadaye
Gobannimada ma anaa iska leh, meerto sow maaha?
Muddo aan yareyn baa khalqigu, noo maddiiddimaye
Oo maydhaxdiyo dhuubka iyo, maarahow sidaye
Oo aan maroodi u ahaa, maato koriyaaye
Maantana ma liito ee adaa, mooye kuu ciyaye
Maldah iyo ibliis waalan baa, maanka kaa rogaye
Makaabkiyo dhistii igama dumin, maxashtu ii tiille
Maradaydii way saarantahay, muunadda lahayde
Igadhkii maqaarkiisa nacay, oo mid kale doonay
Maahmaahda gabaygaaga waa, lagu mataalaaye
Midigta iyo bidixdaadu waa, laba mataanoode,
Majeerteenka aad kicisay iyo, mililka aad qooshtay
Iyo nimanka aad madhiya tidhi, kalama maarmaane
Abaal waa magdhow iyo inaad, maalin celisaaye
Iyaguba markaad haysateen, waa mintidayeene
Muruq bay ku daafacahayeen, waana loo marage
Ma aqaan ra’yiga foororaa, meel u kaa galaye
Mareexaanku kii kula dhashiyo, magaca sow maaha?
Maxamuud Saleebaan xumaan, uma midoobaane
Hadday qolo maraar yeelatoo, muusannaw kiciso
Adigoo maslaxad eegayaa, loo miyiriyaaye
Middidaad afeyneyso iyo, waxad maleegeyso
Haddaad labada meelood colaad, miiggan ku abuurto
Waxa adiga madhax kaaga noqon, waa i mari weydey!
Haddiise mooradduug iyo dhac iyo, mahadho lay geystey
Maqaawiir la soo xulay haddii, muxubbo loo laayey
Muswareenka adigaa dhigayoo, maahirtii dilaye
Muquunadii Rashiid loo diraye, malagtay sow ma ahid?
Maantana waxaad maagan tahay, waa midkii xigaye
Midhatirisku goormuu muhdiyow, kula macaanaaday?
Madiixiyo gabaygaagu waa, kaa muraadsadaye
Macnihii dawacadii haddaad, igu madaareyso
Miidlaha wankiyo goortii ay, mariso reerkaaga
Ooy maqasha kaa layso bay, kuu mashxaraddaaye
Magligayga jiifsaday haddaad, maad ka dhiganayso
Inkastoo magool aadan lahayn, muhasho ii qaaddo
Ma illaawin godobtaad qabto ee, maarsashaan ahaye
Maxaa Diini ii dhimay adaa, jebiyey mooskiiye?
Afartaa sidii macallimada, miin ma ka higgaadshay
Majarihiisa kama leexiyee, muunad ma u sheegay
Afar kalena mayay soo curtiyo, mililiceygii dheh
Mallayga iyo beeyada raggii, ad ugu maansootay
Siwaaqroonka xeebtiyo marsada, mooshinku is dhaafo
Muuse iyo Ismaaciilka Bari, kuma maqlaayaane
Iyagoo mareeg lagu xidhay oo, moora lagu ooday
Musbaaxdii kacaanku u shiday bay, mahadinnaayaane
Mas qaniinyo kama daalo iyo, micida dhiigeeye
Moxog nimaad u diirtiyo marduuf, midad ku ceebeyso
Manaabaysay aadmiga kurtii, meel u joogaba e
Raggii sharafta weyn kaa mudnaa, mooddey cadawyo e
Gobannimo Isaaq muujiyoo, waa markab adage
Maandeeq raggii dhaliyey iyo, miiddu waayaga e
Muxubbiga kalgacalkaan u qabo, waa mid igu dheere
Ingiriiska nimankii miraye, moodharrada saaray
Mufsadka iyo Gaalada raggii, mariyey gaalleefta
Maqruun kuma sifeyseen haddaan, maanku kaa tegine
Maskaxdii nin yari cayda way, saga muraadaaye
Ogaadeenka aad maagtay iyo, midabtakoorkaaga
Ma oggoli Dhulbahantaa ku diley, oo ku mowtiyaye
Mutukhnaanta iyo waa nebcahay, keli maqiiqnoowe
Inkastoo milxiis iyo nin xumi, nagu dhex meeraayo
Muslimka haygu dirin wadajirkaa, lagu macayshaaye
Masallaha dhulkiyo ciiddu waa, mahuradaadiiye
Meermeerka iyo guuldarrada, kugu madoobaatay
Waxba muujinmeyside cidlaad, malandahaysaaye
Mar haddaad Amxaar miridhle iyo, mooriflaha raacday
Mingistiyo dirkiisaad tahaye, hay maxooliyine,
Magacaa ba’yaye ma adigaa, ila Majeerteen ah?
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed