Gabayga:Mashaqo weyn


Gabaygan waxuu ka mid yahay Gubaabadii isdaba jooga ahayd . ee uu Abwanku ka mariyey dilkii xaajiga, guubaabadiisi waxay sababtay in maaxdii reer Sahal waraabaha loo loogay. Maxamed waxuu yidhi:-


Mudaakarada geeraar hadday mucurto kuu gayso
Marxalkaad u shegtiyo haddii marinkii loo diido
Kol haddaad masaladaad tidhaa loo miyirin waayo
Adoo maray Lilaahida haddii eexo lagu moodo
Miyirdiin hadduu kugu qabsado maansadaad tirisay
Murti iyo martabo loo xishiyo muuno laga waaye

Murdud Reebe gabaygaan kal horre uunka maqashiiyey
Een midhaha Daarood dhex dhigay mucurtiduu reebay
Gabaygii muunsanoowga iyo ahaa hiil u mara xoorka
Gabaygaan muqadimiintii la jaray ugu muraaqooday
Gabaygaan Hartiga maaxiyiyo Mudug raggii joogay
Gabaygaan u maakibay in loo mudo masaalkooda
Murtaan xidhanay Habar Yoonistii murunku noo yiilay
Niman madaxyo-weyn ah oo muhindisoonaaya
Anigoo Macbuudka u hayoo malag la doonaaya
Gabaygaan magaalada lahaa mayd halaga qaado
Abtir lagama maydhiyo nimaad mini wadaagtaane
Ficil waa musiibee intaan gibil madoobaaday
Lagu maadsay goortaan lahaa waa la murugoone
Gabaygaan manaabada lahaa maqan ku raadcayso
Raggii aaro looguma maqnoo waaba loomarag e
Malahay khasaaryeey sideen halkaa ugu muraad seegay

Inay midigta qaadaan lawaa miidha Habarwaaye
Milgihii Shirshooraan sugayn muuno duul gob ahe
Mulkigii Garaad Faaraxoow idinka maaroowye
Dadku magaca waw wada jiray midhaha Daarood e
Isagaase laga maagi jiray maydh la oloshaaye
Wax maqaanihii lagala baxay maanta Reer Hagar e
In uu miilo gabay Reer Cameey maqal Ogaadeen e
Marwo jabbe markii lagu jarriyo murankii qoolabe
Milgo xumo Bah Dahabaan lahaa milicsan maayaane
Maxamuud Gureey iyo Bilow malihii beenoowye
Mara-wenyta Reer Faraxoow deyse murankiiye
Miyil qabe ka dhimay reer cigaal meel uu joogaba e
Reer Maxamed muuniyo ka samir magac wanaagiiye
Haweenkuba martoo laga furaay mahad ku sheegtaane
Macbuudkii abuuriyo siddaa Maaligoow galaye
Wax la mid ah qabiil mayey ahoo miidha qaayibaye
Laga maarsay laba Muuse iyo mohosho Reer Cawle
Warsangali u mari Hartiga yaan gabalkii moogaane
Majeerteen u sheeg xaajadaa waa mashaqo weyne
Kuwii ficilka maamuli ogaa wada muhiibsiiya
Maxamuud Saleebaan u mari madaxyo weyntiisa
Bal inay dhagliga meeriyaan aad u maqashiiya

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo