Gabayga: Col iyo cayntaaris
Gabaygan waxuu faalo dheer ka bixinyaa dhibaatda dagaalkii aduunka keenay. Runtii wana gabay Illah bari ah aad na qiimo wanaagsan miisaan iyo murtina dhex fadhido!” Runtiina tilmaan fiican ka bixinyaa dhibaatada gaaladu siiba ingiriisku waqooyiga somaliya u geystay markaas Maxamed Cumar dage waxuu yidhi:-
Eebow Casiisow adaa, caadiloo talinee
Dadkii cudur ka yaabaa diloo, lagu cabsiiyaaye
Waxaa colkiisa laga khoofayaa, caasi gaalo ahe
Cadwa nimanka yaalaan hurdada, caafimaad ladine
Cowbaartii Xamar looga caag, calafkii dheefeede
Carradaynu joognana waa, caabuq lagu reebye
Faransiiska soo cararayee, camanka tuuraaya
Iyo Talyaanigaa colkiyo bursashada, looga caalwaayey
Ee cagaha meel uu dhigo iyo, ciirsashaba waayey
Jarmalkaan cadaan iyo madow, qollo ka ceesaynin
Colka dumay cawayskii marshada, soo cidgali wayday
Cadka waaga ciiryaamadaa, caddar la moodaayo
Cirka waxa lalaayeen lahayn, cago iyo raad toona
Iyo saarkaa ciyaayeen ladayn, caw oiyo leyl
Een cashana joogsanayn sanno, col weeyaane
Rabbi nama cidhiidhyine dad, waa cabsanaayaaye
Cawyaha badeed maydku waa, cowskan oo kale e
Mowjadaha dhiigii camirray, maanyada caseeye
Cumdow dhimo coomaadibaa, cunay ragoodii
Ingiriis ka soo carar hadduu, Cadan ku fiicnaaye
Cishriin lag baa laga dilloo calankii, soo duubye
Wuxuu ciidan iyo xoog lahaa, ceejiyaa helaye
London kuma caweeyaan kobtay, cudud u yiileene
Ceegada dadkii caydhsan jiray, dirirkii caatowye
Caatibo laโaan buu Bankii, ceeg usoo dagaye
Rabboo caynsha mooyee ninkaa, saanad lagu ciirye
Caawimo haddii uu doonana waa, caynka raaciye e
Gaaladan is cayntaarin ee la isku, cayn qaaday
Ee qaarba qaar cunahayee, caymo kala wayday
Culimadu siday sheegeen waa, camal jihaadkiiye
Calankiyo Islaamkaa u dambayn, cudud la sheegtaaye
Cilmi qaarkii laysma cudriyee, cayn kalaa imane
Marbuu dirirku noo curan oo, ceesh naloo furiye
Ciqaabna ha kayaabina haddii, Diinta la cusleeyo
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Ururintii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed