Gabayga: Haldhaa Kacay

Allaha unaxariistee Gabaygan waxaa tiriyey Maxamed cumar dage. Isagoo ku dhiirigalinya in loo aaro Xaaji Cumar, waxaana jiray Abwaanku in uu gabay kan ka horeeya uu mariyey laakin dadkii dhuuxi jirey gabayada ay yidhahadeen gabayadii guuubaada ahaa ee Calidhuux Ka codsadeen in uu gabay kale ku celiyo oo mid jawaab u noqon karo Calidhuux u tiriyo Maxamedna gabaygan ayuu ku xejiyey:-


Ha’da maanso hooyaale gabay, halalka geeraarka
In dhoweyd Habbane Faaraxow, hab uma luuqayne,
Huqda wax igu reebaan arkayo, waan hanganayaaye
Halaaggii ku dhacay Reer Barwaaq, holaci loo geystey
Haaraankii Cali Aadankii, nagu hifaateeyey,
Kuwa hilinka Bari qaadayow, hal iga gaarsiiya!

Raggaad hurisay hiihdii ma dayn, haatan ka horrow dheh!
Isaaq waxaan la daba heetinnaa, heenso godobeed dheh!
Anigoo hamuun qaba waxaan, halawda dhawrtaaba,
La hubsaday hoggaankii nabsigu, hiil u soo waday dheh!

Ogaadeen xaqii laga hayiyo, saami buu helay dheh!
Hurre wuxuu gambiyey hayb dhan aan, hali u soofayn dheh!
Togga huran hundaha Ceeliseed, harada Gaaroodi
Haaruun Maxaaddaad halkuu, Halab ku beeraayay,
Hogga Dubuxul Hoosada bankiyo, Hallale meeshiis dheh!
Heeshiga Wardheer iyo Dannood, Harafsan guudkeed dheh!
Hiyigii ku beenow intay, ugu hawoodeen dheh!
Gabaggabo kob aan lagu hantiyin, heelka lagawaa dheh!
Hootada waxaa lagu hanfaday, dhagixi Haarweyn dheh!
Kuwii dalagga lagu hiifayaa, Heenyo saanyaday dheh!
Waatay Berbera haybsadeen, habaqlahoodii dheh!

Idinkaa dalkiinnii u huray, Habar Xabuusheed dheh!
Hambarraacin mooyee horraad, uga hagaagteen dheh!
Garaad Faarax goortay hogsheen, haatan ma ahayne.

Hananweyde ceelkii Badweyn, haradi Ceel Dhaabe
Ka hulleeshe heelkii dhexiyo, haatan Caynabo dheh!
Nimaan Habar Jecliyo Muusayaal, ugu hagaagaynnin
Inuu dhagaxa hoos uga degaa, haniyo weeyaane.

Nimankii Nugaalba hantiyaye, horinta loo waayay,
Iyagaan u hawl gelin kuwii, habacsadee laastay,
Maantay halyeygii dileen, Hagar u noolaa dheh!
Hab wanaagsanow Ina-Camey, halanqihii mootay,
Haad iyo waraabaa habqaday, halabki dheeraa dheh!
Waxaa haanka loo jaray inaan, hali u diideyn dheh!
Dadku kala hannaan quruxsan oo, haybad kala roone,
Haldhaa-kacay-la-moodyow markuu, hab u taxaashaayo!
Haashaashka laafyaha markuu, hagac ka siinaayo,
Hanqalkiyo hareedkiyo gadhkiyo, qalabka heemaalka,
Iyo horin-ka-roonow ninkaa, qiimo lagu haystay!
“Haq!“ waxaan iraahdaa markay, igu hanqaaraane.

Hab hadday martidu soo tiraa, heelka gurigiisa,
Hilbo loo qalyaa iyo xumbada, Halab la siiyaaba
Anfacada haddii laga hambado, huri ogaantiisa.

Harka geedka fagaaraha markii, la hindisoonaayo
Nin xun baa wax habayaaqiyoo, haatiyoo dila’e
Arrinkii qabiilku u hugmaan, heli ogaantiisa
Hindisaha ka doodka ah markii, la hanjaboonaayo
Meeshii sarbeeb lagu hayaan, had iyo qoob joogin,
Majliskuu ka haasaawi jiray, hadal macaankiisa.

Halaakada colaadeed markii, la isku hiifaayo
“Hayaay!“ iyo “hayaay!“ maalintii, la isku haaraamo!
Fule baa habaarane naftii, hibada loo yeelay.

Nin xigaalkii soo haybiyay, gacalki hoomaayay,
Heensaha gammaan lagu heliyo, hal iyo awrkeed dheh!
Bakhayl lagama haagee ninkii, hagar la’aantiis dheh!

Intaasuu halyeygii lahaa, hadiba maayaane
Anuun baw hilloobaye tolkii, uma hadaaqaane
Handan maayo Hagar Aadanoo, waa hundhurayaaye,
Allaylehe halaag baa ku dhacay, hebelladoodiiye!

Shirshooruhuba waa habacsan yahay, Khaalid Habarwaaye
Is hoogaamin mooyee arrimi, waa ka huruddaaye
Haasaasahoodaan ka garan, inay hungoobene
Inay aayahoodii helaan, waa ka habartoode,
Waa laysku huguguulayaa, haybta guudnimo’e.

Hilbaa lagu hirtaa maalintay, hedi timaaddaaye,
Hambaduu ka tegay Xaaji Cumar, hogoshyo weeyaane
Ma xillaan harraad kulul geleyn, huumi dirireede
Caydiid nimuu waran la helo, lagu hankaageeye
Bah Ugaadh hillow kuma jiriyo, nimay haleelaane
Hiyigiisu Reer Maxamed waa, geel hawadintiise,
Hadhow bay nimaan horor ahayn, hebel yiraahdaane.

Hafri maayo oo Ina-Sii-Arag, habas ka liitee’e
Halo raacid mooyee si kale, looma haybsado’e
Hankii Cali Durraan lagu ogaa, hadalki beenowye
Wuxuu Ina-Baxnaan haybsadaa, malaha Hiiraane,
Hadduu haybad leeyahay arlada, wuu ka haayiraye
Allaylehe habkii gobi lahayd, hure wanaagiiye.

Illeyn horin dhan lama goobo oo, gabey halkoodiiye,
Haadaa qabiil niman ah aan, habar wax yeeleynnin
Oo hanaddadoodii la jaray, hiil u geliwaayay,
Ogoobeey haween iyo carruur, ma hawo dhaamaane!

Hartay oga dhasheen ficil rag waa, kala hagaagaaye
Waxay hilib wadaagaanna waa, higilka Daaroode
Hanti ay gaar ugaga qaanbaxaan, heli ma waayeene
Waxay la hamradaan wayla yaab, hiil Allaa jira’e!

Ragse godobti waa haybin jiray, heeray gaadhaba’e
Haddaad aayihiinnii heshaan, haaddu kala weyne
Haramcad iyo weer iyo libaax, kala hagaag roone
Bahdii nimey ku heedhaa qabiil, laga hawaystaaye,
Cawad Shire haddaan lala helayn, holaca baaruudda,
Ama aan Maxamed lagu haanka jarin, haalig la afeeyey,
Heegaduu fadhiyay Muruqliqaan, heermi laga yeelin,
Faarax-Suusle aan lala hormarin, gumuc haliilaaya,
Ama aan Jaamac hilibkiisa weyn, haadda la cunsiinnin.

Haddaydaan raggaa hidin karayn, Haabin laga eegto,
Ku hungowde Habar Yoonis aad, Hawd ka dayataane,
Kuwa suuqa haashaynayiyo, hebello raadgooba!
Halkii kiinna lagu haanka jaray, dhiig ku hagac siiya!
Nafta hura iyadoo heedhey bay, hibasho reebtaaye!
Haddii kale huluulaha ku jira, habi la’aantiinna!

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Ururintii & Tafatirkii: Mr Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo