Jeerarka ay is helaan dhalinyaro hibo u leh curinta Maansada qaybaheeda kala duwan waxaa dhici jirtay in ay ibo-fur iyo afnaq ku tixoon jireen.
Inkastoo hadda ay yar yihiin goobo kulmiya oo ay ku haasaawaan ama suugaan isugu hoga tusaaleeyaan shay uun. Laakiin hadda bararaha Aaladan isgaadhiinta markay helaan waxaa ka soo baxa weedho qaarkood mahadho reebaan.
Waxaan soo qaadan doonaa Gabayo gaagaaban oo nooc (Faras) fardaha ka mida qiimihiisa lagu Gabayo tudcay. Baroor oo ah midabaalaha socod iyo qurux lagu manaystay ee ka mida bahda fardaha ayay ku manqaxayaan gabayo gaagaanban oo hal-celin leh ila dheeho
Gabayo: Baroor/Afar Midable
Abwaan Smacil Ali (Boobe):-
♤Baroor ciidku goortuu fidsado, Baabacada xooga
♤Butaacadiisa ruuxii arkaa, Boholyow qiirooye
♤Burjigiisa wiilkii yaqaan, Beerka ka amaanye
♤Subaxaa ninkii badhi yaqaan, Waa beratansiiyaaye
♤Baal-goray haldhaaloow Eebahay, Boos xun kuma geeyo….
Abwaan Faysal Goohe (Buuni):-
★Bahda reer gamman ilaah baa ibaray, Badi ahaantoode
★Boga waxaan ku haystaa fardaha, Kii ilwaaad badane
★Boodkiyo bulaaluhu saw is kuma beegna
★Baroor qadadle baa boqorkooda oo waan uboholyoobaye
★Barbariiji wiil badhiyaqaan, Baratankiisiiye
★Baashaalka boodada markuu, Budulka tuuraayo,
★Burjigiisa wiilkii yaqaan beerka ka higooye
★Boqran gabadha waa wax laga baxshaaye….. Belo Ku Fuushaa dhe?!!!
Abwaan ‪#‎Ismaaciil‬ Cali(Boobe):-
♤Bidhan goray haldhalow neefkani, Waa biinad gooniyahe
♤Barihiisa wiilkÃi yaqaan, Budulka raacsiiye
♤Butaacada goortuu hinqado ee, Beeg usoconaayo
♤Boqol gaadhi ma uu dhafsadeen, kii lahaa bixine “waa geeriye”
♤Bela ha iga saarin faysaloow wa ubalwanayaaye!!!!
Abwaanad Culimo Luul Cumar (Luul):-
☆Baroorkii nugaal iyo ku nool, Badhaha siixawle
☆Boholaha mar kuu jiidhayee, Booda lalinaayo
☆Barqo weerarkii dhaca markuu, Budulka saydhaayo
☆Waa boqor ninkii maalintaa, Bidix u haystaaye
☆Hub baroona wuu ka wacnaa, Beri samaadkiiye
☆Boqolaal halaadiyo iiga wacan, Baar-cadii geele
☆Iga bixi alaylehe arooskeenu waa, Bili midkii roone……
Abwaan #Ismaaciil Cali(Boobe):-
♤Bilaneey baroorkaan wadee, Baayiraye naaxay
♤Baroorka boodada ku wacan, Baacis iyo weerare
♤Inaan kaa bixinayo waa hubaal, Bood xoogsadaye
♤Bogaagiyo laabtaba ku hay, Balanteena weeyaane
Abwaanad ‪#‎Caasha‬ Cumar Jaamac(Luul):-
☆Baashoow rag soo baxay hada oon, Bili fardood yeelan–
☆Oo Boqnaha jaraaya jiroo, Buur ka soo degeye
☆Adigaa buruud iyo lahaa, Baawar iyo sharafe
☆Ka baacsoo ka baydadi waqaa, Kaa ma badiyaane
☆Ana beerka waan gelinayaa boobow, Binada reerkeena!!!!!
Abwaan #Ismaaciil Cali(Boobe):-
♤Burjigooda wiilkaan aqoon, Baraha uu yeesho
♤Buurtiyo wiilkaa ka yimi, Babacyadaa teedsan
♤Berina inaanu taaban karin, Waa balamayaaye
♤Ka bariiso baan iri ninyohow oo, Biicso riyahaaga……???!
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Tixraac: Qaryaan Buureed
Tafatir & Ururintii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed