Gabayga: Ima matalo
Ninna ima metelo maantoo kale, maadix baan ahaye.
Muusaha murwayntiyo xigmaha, maamintiyo dooca.
Sida roob mahiigaan ah iyo, mowjadiyo weedhadhadh.
Kasmadaan ka moos-moosayaa, maalin iyo layle.
Afkaan maray magliga aan xidhxidhay, maansadaan gudhiyay.
Waa shay maldahay muunadiyo, meesha aan rabaye.
Intuu maqanyay dhuuxaan mar-hore, meelo uggu daadshay.
Inaan maaggan maaweelo galo, Eebe igga moosye.
Ninka aan midnimo door u hayn, meela uma dhiibto.
Oo maggan Ilaah baan nahaye, miidda kuma sooro.
Mashaqadu intay reero tahay, wiilna madhinayso.
Inta muruqu uu yahay mid dumin, maato iyo xoolo.
Inta uu munaafaqu bulshada, jeedin marinkeeda.
Majaraha intuu taagan yahay, daalin macaluula.
Ninka aan maslaxo door u hayn, meela uma dhiibto.
Oo Maggan Ilaah baan nahaye, miida kuma sooro.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta Murti
Tafatirkii & Iyo tirintii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed