Hordhac

Magacyada loo bixiyo hablahayaga waxay muujiyaan hiddahayaga, deegaan iyo asal ahaan halkaannu ka soo jeedno, kobta juqraafi ahaan dunida kaga noolnahay, ama waxay cabbir muuqda ka bixiyaan muuqaalka inamaha, qaab iyo qeex uu waalidku la jeclaado ama u saadaaliyo. Mararka qaarkood laga yaabee haweeneey jeeska ka tirsan ama ka tirsanaan jirtay in loogu magacdaro oo lagu sammiyo.

U walqalidda gabadhaada waajib weyn weeye oo muhim ah. Cilminafsiyahannada (psychologists) waxay sheegaan in haddii habluhu ku faraxsanyihiin magacyadooda, nafsaddooda inta ay ifka joogaan waa u riyaaqsanaanayaan. Waqtiga kaaga baxa ka baaraandegga u raadinta magaca ugu habboon, qurxoon, dhawaaq wanaagsan carruurtaada dheddigga ah, kayd weeye aad mustaqbalka u aydo.

Waxay magacyadu nisbeeyaan joog, qurux, midab, ama habsamaanta inanta sida gaarinnimadeeda, geesinnimadeeda iyo naxariisteeda.

Tusaale, inantii ugu horreysey ee Dhiimo loo baxshay, laga yaabee in looga jeeday in ay lahayd midab aad u casaan ah oo guduud takhti ah. Sidoo kale, Qumman – inan weeye hagaag, hufnaan iyo wanaag badan lahayd.

Hablaha qaarkood waxaa loogu magacdaraa dhirta, caleenta, iyo ubaxa, sida Cosob, Magool, Ubax, iwm, xayawaannada sida Qalanjo. Qaar kalena waxaa la siiyaa magacyada xilliyada iyo maalmaha sida Gudhalad, Isniino, iwm.

Sidaas darteed, magacu waa aqoonsi ruuxu leeyahay oo muujinaya halkuu qofkaasi dir iyo isir ahaan ka soo jeedo. Waxaa ila habboon in aan la dhayalsannin, laga teginnin oo la sahashannin afka iyo luuqadda, dhaqanka iyo hiddaha magacyadu ku salaysanyihiin oo ay ku qotomaan.

A

Abshiro, Abyan, Afraxo, Ammaan, Amran, Aragsan, Arraweello, Ardo, Arliyo, Ashkiro, Askaro, Axado.

B

Baahilo, Baar, Bariido, Barkhado, Barni, Barrey, Barwaaqo, Basro, Baxsan, Bayddan, Beegsan, Beerlula, Biciido, Bilan, Billaddaya, Bishaaro, Bogaad, Bullo, Buney, Butaaco, Buuxo.

C

Caanood, Cabban, Cadar, Caddey, Cajabo, Calaso, Canab, Canbaro, Carfoon, Carraabo, Carro, Cartamo, Carwo, Casey, Cawilo, Cawo, Cawrala’, Caynabo, Ceebla’, Cibaado, Ciilla’, Ciiltira, Ciribbuuxa, Cosob, Cubtan, Cudbi, Cuddoon, Cugan, Culan, Culimmo, Cureeji, Cutiyo.

D

Daado, Daaho, Daawad, Dahabo, Dallaayad, Dallaayo, Dallays, Damman, Darmaan, Daruuro, Dawo, Dayaxo, Daynabo, Deeqo, Deggan, Degmo, Dihin, Diiddan, Diimmoon, Diiran, Diraaco, Doonbiro, Duco, Duda, Duddo, Dugsiiyo, Dugsoon, Dulman.

Dh

Dhaadsan, Dhaayo, Dhalaalo, Dheeho, Dhiimo, Dhiirran, Dhikilo, Dhimman, Dhimbilo, Dhoofo, Dhool, Dhoorweyn, Dhudi, Dhuuban, Dhuubo, Dhuulo, Dhuuxo.

F

Falis, Falxado, Fanaxley, Farax, Fariido, Farxado, Farxiyo, Faynuus, Feeyig, Fiido, Filad, Filan, Filsan, Foojiga, Foos.

G

Gaadsan, Gaarri, Gaarriyo, Gacaliso, Gacalo, Gaceedo, Gadiido, Gallado, Gargaaro, Gaylamo, Geeddiyo, Geelo, Geenyo, Gefla’, Gobaad, Gobey, Gordan, Guduudo, Guhaado, Gudhalad, Guuleedo.

H

Habban, Habboon, Habsamaan, Hagarla’, Haldhaa, Halgan, Haweeyo, Heego, Hibaaq, Hibo, Hiddo, Hillaac, Hiro, Hodan, Hodman, Hogol, Hoobaan, Hoodo, Hoombarro, Hufan, Huryo.

I

Idil, Idilo, Idman, Iftiino, Iido, Iimaan, Ilkaag, Ilroon, Ilwaad, Indhadeeq, Indhawroon, Ishaaro, Isir, Ismoog, Isniino, Istaahil.

J

Jalaqsan, Jamaad, Jawaahir, Jeegaan, Jinnow, Johro, Johorad, Joogdheer.

K

Kaabo, Kaad, Kaadsoon, Kaafiyo, Kaaho, Karuuro, Kinsi, Koos, Korraad, Kutubey.

Kh

Khadro, Khaladla’, Khayrto.

L

Laaco, Lacago, Ladan, Leexo, Lisan, Luul.

M

Maandeeq, Maano, Macay, Magool, Malabo, Markabo, Marwo, Miido, Mullaaxo, Muraayo, Murriyo.

N

Naadiyo, Naado, Naaleeyo, Nafiso, Nagaado, Nagan, Naqo, Naruuro, Nasteexo, Nuurto.

O

Ogaal, Oriyo.

Q

Qaafo, Qaayaweyn, Qaladla’, Qalanjo, Qarad, Qoordheer, Qoran, Qorraxo, Qumman.

R

Raagsan, Raalliyo, Raaqiyo, Raaxo, Rako, Rakuubo, Rashiido, Raydabo, Reemo, Roobo, Roon, Rooxo, Rummaan, Ruun, Ruxan.

S

Saado, Saafi, Saaqo, Sabaad, Sagal, Sahwiyo, Salaado, Saluugla’, Samawado, Sareedo, Sarreeyo, Saxansaxo, Saxarla’, Siman, Sitey, Soohan, Subkan, Suleekho, Sulubo, Sureer, Suubban.

Sh

Shaadiro, Shacni, Shahmaad, Shamado, Shankarroon, Shaqlan, Sheegan, Shifo, Shoobo, Shumey, Shuun.

T

Tagsan, Taliso, Tanaad, Tawllan, Tigaad, Timiro, Tiriig, Tisqaad, Toolmoon, Toosan, Tooxey, Tusmo.

U

Ubax, Ubbolacag, Udgoon, Ugaaso, Ulasan, Umal.

W

Wacan, Wanaag, Warfog, Waris, Warla’, Warmoog, Warroon, Warsan, Wiilo.

X

Xaadsan, Xaali, Xaddiyo, Xalwo, Xamaro, Xareedo, Xiddo, Xiisaan, Xinbilo, Xirsiyo, Xorriyo, Xukun.

Y

Yusur, Yuusa.

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo