Maansada: Hooyo

Hadh baad hooyo ii tahoo
Habaaskaad iga huftaa
Hilinka kii toosan baad
Naftayda ku hanuunisaa.

Hagaajaay hooyo bilan
Adaa haqabtira ahoo
Adaa ii huray wanaag
Adaa igu habay kalgacal.

Horyaalka raggee I dhalay
Haddaadan adigu lajirin
Hagaas baan noqon lahaa
Facay waan ka hadhi lahaa.

Hiboda Eebbe uu baxshoo
Ummaddu wada haybisaay
Halyeeyad I kaabtayee
Waxaad tahay hoy dugsoon.

Cirkoo soo hoorayeey
Daruurtoo hogal da`daay
Halkaad Idi iga xigtuu
Nasrigu ii hugaamiyaa.

Higliyo damal geed hadh wayn
Khalqigaa kugu soo hirtoo
Gacal hadal dabacsaneey
Haween kuma gaa dhayaan.

Hagoogo adaa Iyidhi
Cadaab lagu hoobta iyo
Xisaab baa inoo hadhoo
Aakhiro hawlaa jiree.

Maxaan ku haraatiyoo
Hurdada badi aadan ladin
Habeenkiyo maalintuna
Hal ay kuu wada noqdeen !

Maxaad anigoo hadh galay
Dartay u haraaddayoo
Heegada saan ugaadhi laa
Muxuu hadaf kuu ahaa!

Muxuu dhaban kaagu hoolmay
God iyo uu haaro yeeshay
Kolkaan hooyo kugu hilnaa
Maxaan hakad badan ku galiyay.

Markaad fool dhidid huflaysay
Halbawle siduu ku go`ay
Dhiiggaaguna hibitiqleeyay
Hoheey hal maad I odhan.

Markuu Rabbi kaaga hiishay
Huq iyo laxaw kugu badnaa
Markaan soo baxay hawada
Ayaad dhibtii igu hilmaantay.

Adoon uhawoonin dheef
Intaad ila haadday baad
Horaadada igu duwdoo
Hoobeeya hobeey I tidhi.

Maxay hilbo kaa jarmeen
Jiidhkaagu hafeefmayoo
Naftaaduna halis gashoo
Hooyooy aad tiil darnayd!

Macaaneey hoodo badan
Halkaad ii taagantay
Hawraar kuma koobayee
Ducaan kuu hibaynayaa.

Allaha hodan kaan baryee
Holaca naareed ha mudan
Hooskaa janadee qabaw
Hugaaga Allaw ka yeel.

Siraadka hillaac ku dhaaf
Markaad hoyatee dagtana
Hoggaagu ahaa niciim
Kuwaar hadhicii jannada.

Malaa`ig habaysanoo
Hiil iyo garab kuu ahoo
Adiga kuu heellan arag
Fardawsana kuu horkaca.

Hungaw waligaa ha filan
Lahaw hoodiyo nasiib
Hurdada caraf iyo udgoon
Hareertii nabiga joog.

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Qalinkii Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo