Maansada: Walaal.
Walaal aan ciirsadoo
Naftaydu ku ciil baxdoo
Cidkale kaga maarmayaw
Culayska isoo wajaha
Walaal iga caabiyoo
Si dhaba ii caawiyoow
Cududda ii hagar baxdee
Calol aan wada galniyo
Cadkan wada dhalanayaw
Cishada ay hawlo baas
Naftaydu la ciirsantahay
Camalka kii iga gartaw
Ha ciishoon oo marqudha
Ciriiriba yaadan arag
If kana caafimad ku joog
Walaal calankaa ma dhaco
Cawiyo nasri daris la noqo
Dadkuna ku caleema saar
Walaal farxad iigu ceesh
Dunida joog ceeb la aan
Cisiyo sharaf iigu waar
Casiisku walaal kusii
Waxaad calmataba adduun
Laguu dhiib cayn walbaba
Walaal cimrigaa hajiro
Walaal cadawgaa ha jabo
Cadaabta walal ha arag
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Qalinkii Mr: Cumar Ismaaciil Digeed