Gabayga: Amar Qaado
**Arin oday lahaan jirey hadii, inamo loo daayo
**Ambaday lahayd iyo ka tage, idibil keediiye
**Ambaqaadka geediga ku fure, meel ayaan darane
**Aduunyaba nimaan dhaqan, abid intuu joogey
**Adhi iyo geel hadaad siiso, kuna amaanayso
**Ayaantaa wixii dhaca aday, oogadaa tahaye
**Alifka iyo ruuxaan aqoon, aayadaha diinta
**Oo aan axkaantiyo xadiis, lagaba eegaynin
**Aadanow tafsiil inaad ula tagtaa, waa afkala qaade
**Orka gabayga ninkii aan aqoon, ababin suugaanta
**Xarfaha midkii ugu adkaa, haddaad afarle weydiiso
**Irdeheeda maansda adaa, meelku awdalaye
**Shirib baad ag geysiyo waxaan, ayni la ahayne
**Afar-qaadka meel kalaad, ooga roor tahaye
**Amar qaado jeedal baan hadeer, kuu abaabulaye!!
**Anshaxeeda adigaa ka tegey, lagu ilaashaaye
**Ibtilooyin adigaa ku falay, aad u fara-weyne
**Amar qaado jeedal baan hadeer, kuu abaabulaye
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Tixraac: Qaryaan Buureed
Tafatir & Ururin: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed