Gabayga: Baawar kala roon

★Bulbulow libaaxiyo dawaco, Baawar kala roone

★Jeneraal birgaydhiyo askari, Baawar kala roone

★Barasafooriyo ardaygu, Baawar kala roone

★Geesi beer adagiyo fulaygu, Baawar kala roone

★Badaw iyo macalini, Baawar kala roone

★Nin buraashad liyo shiikhu, Baawar kala roone

★Nin burhaanliyo tuugu, Baawar kala roone

★Baalida iyo gaaridu, Baawar kala roone

★Bada jawle iyo laaska yari, Baawar kala roone

★Baasaha colaadiyo nabadu, Kala bar weeyaane

★Nin badrooya iyo fiqiirku, Kala bar weeyaane

★Baqalka iyo sanguhu, Baawar kala roone

★Bayd gaabka iyo abwaan, Buundo kala dheere

★Nin bakhayla iyo deeqsigu, Way kala boqooleene

★Bidhikaale iyo anigu waa, Kala boqoolaaye

★Ka bariista maansada, Waad burburiseene

Kaydintii: Murtiyosuugaan
Tixraac: Qaryaan Buureed

Tafatir & Ururin: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo