Gabayga: Xamar
**Waa xamar iyo baroor fardaha, xubinta koobaade
**Caynab xoodan baa jiriyo ashkir ay indhuhu, xiiso ka helaane
**Xijigooda wiilkii yaqaan waw, xil baxayaaye
**Xakamuu ka dhawraa yuu, xaraan arage
**Kuma uu xanuunjee nadiga, waa yare xadsiiyaaye
**Xubnaha markuu kala fidshee, xarako boodaayo
**Xaamiga orodkuu tirshaa, kana xanaanshaaye
**Xawliga iyo kadluhuu kala duwaa, xamasho waa ceebe
**Xamashkuu u taabtaa saqdhexe, xarun sifaar wayne
**Doomaartuu ula xishaa, xananka qawloode
**Xarfaduu la doonaa ximan, ka ay taale
**Xidhka dixile waa lagu yaqaan, inuu ku xeeraaye
**Xafta goynta badhiduu idaha, uga xugaa qaare
**Xarago tookha goortay tagtee, beratan loo xiiso
**Markaasuu xabaadhaa waa mid kuu, xeelad ula haaye
**Xabiibkiisa weeyee waa, xaanti yaaa socode
**Taleex buu xawaaraha kaga baxaa, xoodanow farase
**Xiinka horeba wuxuu kaga gudbaa, xaysimoo idile
**Xudun buu jaraha kaga baxshaa, xayska ka horoowe
**Beryo wuxuu xanaanshaba hadii, laysku xagal daaco
**Oo ay xasaradi dhacdoo, laysku xayraamo
**Xijigiisu waa goob dagaal ninkii, xeer u dhigayoowe
**Xubintooda wiilkii yiqiin tilmaan, kaan xaraan barane
**Xiniif raacyey neefkuu jeclaa xeego dirirkiiye
**Xaraguu ka qaadaa isagu meelihii, laysku xawjaraye
**Xanfarow baroon iyo ka wacan, xulufadiisiiye
**Waa wixii Darwiish kaga xaq helay kufriga xaylihii beriye
**Xoolaheena weeyee cadceed, xaasid ka ilaaliye
Hilaadii 12/05/2013 Gabaygan Waxaa Tiriyey Abwaan Ismaaciil Cali Boobe
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Tixraac: Qaryaan Buureed
Tafatir & Ururin: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed