Gabay Haygu Talo Seegin

**Tabaallada aduunyadu beryahan, way is daba taale
**Cashadii timaadaba wax baa, taargadoo jira’e
**Dhalinyaradan toban toban u bixi, ee tahriibaysa
**Tacliinta iyo diintina nacay ee, tubtii seegay

**Saxarahana tooraha ku mari waa tahluko weyne
**Anoo taajiroo maal tabcaday, toban halaad maala
**Turaabtii dalkaygana ku nool, suuqa tamshaleeya
**Aan tahriibno tacab uma arkee, haygu talo seegin

**Toobiyaha markaad qaadidee tegaysid suudaanta
**Tacaal yaaximaar bay ku odhan, tuugtii carabtie
**Sharaftiyo waxay kaaga tuman, dhaqankii toosnaaye
**Hablahan kufsay ula tagaan, timo haldhaaleeye

**Tuuladaad ku dhalataad aduun, tamar ku leedahay
**Ciidiisa ruuxii ka taga tuugsi waw halise
**Aan tahriibno tacab uma arkee, haygu talo seegin

**Liibiya adaan tegin jidkaba, tuugtu waa muushe
**Soomaalida tabaalaysanee, yurub ku taamaysa
**Nin ka taajiray sheegayeen, lacagta kaa tirine
**Waa carab tanaado ma-gafe, lagu tilmaamaaye

**Tobanaan kun buu kaa rabaa, taada yeelkeeda
**Toogashaduna waw camal ninkii, tiisa diidaaye
**Aan tahriibno tacab uma arkee, haygu talo seegin

**Talyaaniga hadaad gaadhid ruux nasiib, lagu tirshaadtahaye
**Tegi taanka maaltana xabsaa, laysku tuuraaye
**Toban sano ayuunbaa la sugi, tigit iyo aydhiiye(ID)
**Yurubtaa hadii aad tagtoo shaqo ku taamayso

**Midabkay takoooraan cunsuri tooxan weeyaane
**Tuke madax cadbay kaadhigaan madow tilmaantiise
**Aan tahriibno tacab uma arkee haygu talo seegin

**Tanaadaha adduunyada guurku, waa tiir dhaxaadkiiye
**Hadaad toban caruur aad dhashiyo, curad ku taageera
**Aniguna taftaan weli hayaa, mana aan taabsiine

**Goblan lagu tashado waa xunyahay, tiisa ruux nacaye
**Anigaan tiriig guursanoo aduun, raaxo weli taaban
**Aan tahriibno tacab uma arkee haygu talo seegin.

Abwaan Shuuriye gabaygan wuxuu tiriyay 22/02/2014

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Tixraac: Abwaan Buureed

Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo