Gabay Rati Qooqan
**Rarran weeye caashaqu hadduu, ruuxa daashado’e
**Cilmi inuu raqdiis dhigay malaha, waa run la ogaaye
**Rafaadkuu Imacil la maray, raysan waa noqoye
**Rubadiyo jidhku ka qabsadoo, rarayey maalmahane
**Raxanreeb salkeed buu la galay, ruuga guu jaraye
**Carmal buu riyaaq uga dhigoo, habar u reeryeeye
**Rati qooqan geelu arkaba, raacyey oo sheenye
**Roorsiga duqaha laga ma karo, awrkii reerya lehe
**Raxma iyo hablaha buuxe ee, reeraha u jooga
**Garoob inaad ka raacdaa malaha, kugu ma roonayne
**Ra’yigaa ismaciil ka noqo, kugu ma raacsaniye
**Raxan adhiye bahalkii didshee, duurka raacdaysta
**Ri’da shilis ayuu kala baxaa, meesha ugu roone
**Caatadu raq weeye dhurwaaguba, ma raadsado’e
**Raxma iyo hablaha buux ee, reeraha u jooga
**Garoob inaad ka raacdaa malaha, kuguma roonayne
**Ra’yigaa ismaciil ka noqo, kugu ma raacsaniye
**Reer dumar leh waa laga xushaa, geenyadii roon
**Ragna baali kuma sama midii, reerka aan dhaqane
**Raaliyadu waa wacantahoo gaari waa rayse
**Ruun gabadha baa laga helaa, raasa maal wacane
**Garoob lagu ma reeyo iyadu, maba leh raandhiise
**Raxma iyo hablaha buux ee reeraha u jooga.
*Garoob inaad ka raacdaa malaha, kuguma roonayne
**Ra’yigaa ismaciil ka noqo, kugu ma raacsaniye
**Raga talada waa lagu yaqiin, reerki odayo lehe
**Rabi wuxuu ku siiyana ma jiro, ruux dafirayaaye
**Calafkuna run weeyo malaha, caashaq waw raase
*Raxma iyo hablaha buux ee reeraha u jooga
**Garoob inaad ka raacdaa malaha kuguma roonayne
*Ra’yigaa ismaciil ka noqo kuguma raacsaniye.
10-03-2014
Abwaan Shuuriye gabaygan wuxuu tiriyay 10-03-2014
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Tixraac: Abwaan Buureed
Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed