Gabaygii: Dib u eega
Curashadda gabaygan waxaa igu kalifay barnaamijyada horumarka Aadana ah adigoo daawanaya
Ayaa waxaan arkay barnaamij saamayn ku yeeshay dareenkayga ruuxiyeed kaa soo ahaa
In dalka China uu sameeyay/samaystay Cadceed macmala oo ka kulayl badan tan rabaaniga ah siday yidhaahdeene.
Ma rumaysan ilaa aan muuqaalo daawaday saxaafado badana aan ku arkay markii danbe.
Waxaa i hor timi sida aan uga dhug la’nahay horumarka Aadanu samaynayo ee aan inagu isagu mashquulsanahay qarni walba, iyo sida qeyrkeen ugu foofeen Cilmiga iyo hindisihiisa. Shucuurtii amintaa aan ku sugnaa waxay dhalisay ereyadan.
Gabayga: Dayax
Dayaxiyo cirkaasaa la tegey, waa durriyo kowe’.
Doorkan waa ka waynyahay cilmigu, duulid howle.
Dal cadceed samaytaa wakhigu, noo daliiliyaye.
Inakuna dareenkaa ma lihin, doonis iyo maage.
Darra maynu soo saarin iyo, shay la doogsado’e.
Wax daleesha nagu sii hayaa, waa damiir xumo’e
Dabka dhiga dagaalada ka baxa, oo dajiya maanka.
Dawo-fura xamaha duuga oo, doonis wadayeesha.
Daruustiyo culuumtiyo u kaca, oo dalbada guusha.
Ku daydoo deddaaloo la dega, kaa dabaray tiisa.
Dabcigiyo hankiinana ka dhiga, dowga libin keena.
Dib u eega waxaan haysaniyo, duuga dhaxalkeena.
Dhulkan dihin khayraadkaan dayacan, degelkanaan joogno.
Dhirtan doogan geedahan duxda leh, diibka iyo fooxa.
Dahab buuxa shiidaal ka daran, xoolo daba jooga.
Dib u eega waxaan haysaniyo, duuga dhaxalkeena.
Bad dabayla’ wabiyaal durduri, roobab da’a jeerar.
Dery iyo xagaa iyo gu’iyo, jaantus iyo doorar.
Cimilaan marnaba noo darnayn, deeqo lagu faano.
Oo dunida kale ay lahayn, baa dalkeen yahaye.
Barbaar diran duqoow garasho dheer, duubab iyo guurti.
Dumar shidan caruur daadah baran, doobab iyo goojo’.
Diin culimo haysiyo darsiga, daahir iyo baadin.
Dadba noocuu yahay waa qabnaa, duunyo iyo maale.
Dib u eega waxaan haysaniyo, duuga dhaxalkeena.
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed