Gabayga: Ma Og Tahay

☞Ma og-tahay hayaan baynu nahay, loo humhamay geediye?
☞Ma og-tahay horaan qaadki tegey, haabba laga waaye?

☞Ma og-tahay habaas meele baa, hiilin keen yahaye?
☞Ma og-tahay hanfiyo waa kulayl, halac abaareede?
☞Ma og-tahay halkaan beeganaa, hadhacla weeyaane?

☞Ma og-tahay haraad baa ka jira, lagu hanqaar maaye?
☞Ma og-tahay hilbiyo lagama, helo caanihii halabe?
☞Ma og-tahay inaan haybi jirin, aad u hoyataa?

☞Ma og-tahay habeen iyo dharaar, waan is-daba hayn?
☞Ma og-tahay waxaan sii hilayn, taniyo haabiil?
☞Ma og-tahay hal ruux oo kastaba, waa hogaan qabade?

☞Ma og-tahay hal door kaa tahaad, heeli geed guran?
☞Ma og-tahay hirdoog iyo abaar, oo is gudub hasta?
☞Hadba kaad adigu hiishataad, heeryadii dhigan!!!

☞Ma og-tahay abees halable iyo, halaq waxaa jooga?
☞Ma og-tahay cidkuu hiilisiyo, hooyo iyo aabo?
☞Ma og-tahay inaan hanado jirin, haybta kugu raacda?

☞Ma og-tahay hanyari waa inaad, dib u hagaastaa?
☞Ma og-tahay hadaad habacsan tahay, waad hawiraantaaye?
☞Ma ogtahay jidkoo halaqle baad, ku hiran doontaaye?

☞Ma ogtahay hadhkii galabnimaan, haatan maranaaye?
☞Ma ogtahay hantiyi waa waxaad, maalinta heline?
☞Ma og-tahay salada horkicin, oo hub kuu noqone?

☞Soonka halaac kaga wacan, aad ku hirataaye
☞Ma og-tahy sakadu waa hu’iyo, shaal hadaafyale?
☞Ma og-tahay sadqadu hiil tolnimo, kaga wacan haatan?

☞Ma ogtahay hajjuna waa biyaha, hiifta kaa tira
☞Allahayoow hanuunkii jannada, hoy nimcadu taalo Aamiin

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Tixraac: Qaryaan Buureed

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo