Gabay: Calanyahow

1:Calan yohow hadii aad inbadan sharaf ku soo ceeshtay

2:Cizo hadii aad lahayd ciidan Iyo xoogag

3:Callaan Iyo hadii ahayn caaqil Iyo saajin

4:Cudud Iyo hadii aad lahayd wilaal ku ciseeya

5:Cayn wareega dunadaa ku dhigay ciida aad taale

6:Nabsi ciilan baa kugu degoo laalay carawgiiye

7:Carwasaadey goortii dad xumo lagugu cawreeyey

8:Cishiriin sanaad cadho qabtaa caadil baa jira e

9:Hayeshee casuunkii allaad helin cawaalow e

10:Cirkoo kuu darooriyo nimcaad Caasha dhigaysaaye

11:Calcalyada xareedaad maruun ka cabi doontaaye

12:Caraw Iyo ugbaad soo baxaad cuni aad doontaye

13:Curad Iyo waxaad helin nimaan caale kaa gadine

14:Waxa kuu cimaamadin nasiib aad ku ciil bixinie

15:Caraf Iyo udgoon nabada baad ka cokanaan jeere

16:Ceesh kaagu wuxu noqonayaa caano Iyo miide

17:Caadkiyo daruurtaa maruun eebe kuu curine

18:Carshi lagu negaadiyo caleen dooga baad heline

19:Dhalin caafimaad kuu qabtaa kuu ciyaar tumiye

20:Sidii cawl ban joogiyo shabeel caarle baad noqone

21:Cagta waxaad ku baabiin rabta cadawga weeyaane

22:Sidii coofle aaroo wax badan gaajo ku caweeyey

23:Oo cood diboodiyo kahelay ceelka adhi jooga

24:Cafis malaha maanta wuxuu cududa saaraye

25:Adna ceega taalaha mar baad ciriq wax naafayne

26:Oo dawladahan wada carbadhay carari doonaane

27:Casiiskii illaah baan baryiyo caabud ka illaahe

28:Caaqiibo Iyo waxaad lahaan cayni qabad guule

29:Cadceed soo baxdiyo waxaad ahaan caawin Iyo luule

30:Curub Iyo iftiin Iyo cagaar caynad Iyo qiimo

31:Adoo sharaf la ciirciirayoo lagu cizaynaayo

32:Oo sidii caruus Iyo garaad shaal cad Iyo duuble

33:colaadoo dhamaatiyo dadkoo meel ku wada ceeshay

34:cisho aan fogayn baa dabayl caafimaad imane

35:Adiguna caloolyawga daa waad cawaysimiye

Kaydintii: Murtiyosuugaan

Tixraac: Qaryaan Buureed

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo