√”Godka maanso wayadan kategey, gogol dhigiisiiye
√”Ma gorfeeyo gabaygii cabdoow, gabi ahaantiiye
√”Waxi gaadhay mooyee mudaba, gaabis baan ahaye
√”Gaanjada hadeeraan ka jarin, maanso gura wayne
√”Gayigii midaan kaga hadlaan, soo gudbinayaaye
√”Gaawaha u hoorsada murtidu, dhaxal gal weeyaaneÂ
√”Gidigiin dhegaha iifuroo, geliya laabtiinaÂ
√”Guuldaraa dhulkii haysatoo, gubay dhamaantiise
√”Khayraad la goostaa majiro, midhiyo goobaare
√”Gawlaladiyo jiicii dabba, geedihii jaraye
√”Gamca gooye Iyo waa tageen, jeerin gaamuraye
√”Gumartiyo ma joogaan, galool foodhi gaylihiye
√”Gahaydhiyo maraagii iyana, waa la gaasiraye
√”Gubad baa dhulkii laga dhigoo, geeda laga waayeÂ
√”Guuyada la maaliyo dadkii, gaagyar baahadhaye
√”Gooraan ma maalaan ragii, geelayda ahaaye
√”Gaaniyo irmaan uma baxaan, gaawe loo sido-e
√”Galooftiisa naaxdiyo ratigu, ugu ma guuxaane
√”Gamaan kii fardood Iyo sangaha, looma guud boxo-e
√”Gefer ku arki maysaan dalkii, gooni joog farase
√”Gidigeed ugaadhii lawaa, gaan kastay tahaye
√”Goray iyo ma joogaan dhulkii, gerigii dheeraaye
√”Garanuugtiyo waa madheen, goray haldhaagiiye
√”Ma gandoodo aarkii halkuu, gaarka u lahaaye
√”Ma gumbudho biciidkii sidii, gaare dhaxameede
√”Gumburiyo atoorkii sidii, uma gof leeyaane
√”Kama gooho weerkii halkuu, geel ku layn jiraye
√”Deeradu ma googoyso orod, galabsigeediiye
√”Giblo Iyo ciyaar lagama tumo, guda nugaaleede
√”Garbiskiyo dhaantada sidii, looma soo gudo e
√”Shiribkii ma gooyaan ragii, gaarka u lahaaye
√”Gadhcadii sidii geedihii, uma gab leeyaane
√”Garaad Iyo nin dooroon lawaa, goortan maantahe
√”Gocorkiyo ninkii liitay baa, galay halkoodiiyeÂ
√”Go,a shaalka iyagaa watoo, Laguna gaataaye
√”Gayshkii difaaciyo majiro, ciid gaafaniye
√”Garab saar ma dheelaan ragii, giigsanaan jirayeÂ
√”Xeryo hooda gaarkaa sidii, uma gucleeyaane
√”Gaadhkiyo ilaalada sidii, ugu ma gaataane
√”Mooryaan gariiraysa baa, galay halkoodiiyeÂ
√”Galabtiyo aroortii dadkay, gowracaayane
√”Barbaar giim ciyaartiyo lawaa, tima gardhaaleye
√”Gabadh lama aroosoo sidii, gaaf maloo tumo-e
√”Gaarida ilmada saydhaysiyo, gabanka ooyaaya
√”Asay guudka fuushiyo agoon, garab la,aaneed dheh
√”Goblan Iyo ninkii geesiyoo haad, ku gaylamay dheh
√”Afartaa intii aan gundhigay, maydin garan siiyey
√”Ma gar waaqsateen hadalku waa, gocashadaydiiye
√”Girinoofka qorigiyo shilkaha,, lala guclaynaayo
√”Girligaanka Iyo suuga aan, cadawga gaadhayninÂ
√”Miinada gigliyo hoobiyaha, lays la gaadaayo
√”Gudin laba afliyo faashka aan, laga gun gaadhaynin
√”Gawraca isdaba jooga Iyo, gacalla laynaayo
√”Gacmo dhiigle geerida dilkaa, garab la,aan teeda
√”Komanaan garaafaa daday, maalin wada gaadhayÂ
√”Oo aan garawshiyo lahayn, xume gonloo gaadho
√”Gobol Iyo hadaan tuulo Iyo, guri la dhaafaynin
√”Guriceel ilaa gabilay Iyo, gacanka shilaabo
√”Garoowiyo hargaysiyo ilaa, guhada boondheere
√”Ceerigaabo geesteeda iyo, goroflley aageeda
√”Goodiga kismaayiyo ilaa, wabiga goonkiisa
√”Gaalkacayo Iyo gudaha bari, gibada boosaaso
√”Sool goodigeediyo ilaa, gobo ladeenoo dhanÂ
√”Gaadiidku uma kala gudbaan, gacala yaaloow e
√”Afartaa intii aan gundhigay, maydin garan siyeyÂ
√”Ma garwaaqsa teen gabaygu waa, gocashadaydiiyeÂ
√”Iminkana ducaan soo gudbiniye, guula ila tuugaÂ
√”Mar uun baa ilaahay gucurin, geedo Iyo dooge
√”Gal xareedi taaliyo mar baa, daadku guluc layne
√”Gaagaabanow adhiga Iyo, geelu noo dhaline
√”Geedaha la gubay Iyo dhirtaa, soo gandood samine
√”Dadkaa soo gadaal noqonin Iyo, goosan kii lumaye
√”Oo gabi dhulkii wada imaan, guushu waynaga-e
√”Kuwa gudaha joogaana ay, wada gam aayane
√”Galad eebe Iyo guri san baan, gogol dhigeynaaye
√”Gobanimo mar baan heli toloow, samir ku gaadhna
Murtiyosuugaan
Tixraac Eng: Buureed
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed