Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Jaamac Cali Xirsi “Jaamac Murtisame” hilaadda miilaadigu markay ahay 15-04-2015

❁In abeeso bahal hoose tahay, ruux ajalay baa og
❁Anuu aar libaax aadun yahay, aan usta aqoonin
❁Nin uu aawr ka laaya ogsoon, anafaduu gaysto
❁Arxan-laawe inuu yahay, wuxuu iligta saara og

❁In abaari oon iyo dhib tahay, lagu asqoobaayo
❁Ishin iyo qofkii daaqsada, nugul idaa baa og
❁In aroosku udug iyo nur yahay, la isreexaayo
❁Iskaabulo wakhtigu ulayo, iyo hebelo uunbaa og 

❁Inay diintu iimaan tihiyo, nalal iftiimaya
❁Qof Islaama uun baa ogsoon, udub dhexaad keeda
❁In colaadu alam iyo dhib tahay, oofna kugu reebto
❁Dad amuuri kala haysatiyo, ehel is-laaya og 

❁In anshuxu wanaag yahay, qofkii edeble uun baa og 
❁Inay quruxdu astu-raanta tahay, gabdh ayaanlaa og
❁Ayaan qudha inay dunidu tahay, laga arooraayo
❁Qof illahay garan baa ogsoon iil, in lays dhigi!

❁In laaxadku aaladdo yahay, lagu adeegayo
❁Adoon aan lahayn baa ogsoon, oo indha beelay!
❁Inuu caafimad uusi yahay, malab irmaan dhiiqa
❁Qof ay aafo kala gosey iyo, marad inkaara og!

❁Inuu waalid adhaxdaada yahay, unuga beerkaga
❁Qof agoon ku koray baa ogsoon, aabe iyo hooyo!
❁Adigana abaalkiyo xaqaaga, aniga uun baa og

Murtiyosuugaan

Xigasho: Aq: Buureed

Mr Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo