Ugu horraynta hor iyo dambysaba Koon abuuraha ayaa mahadsan naxariis iyo nabad gelyana korkiisa ha ahaato Nebigii Eebbe ee Muxammed (SCW).
Suugaanta tafatiran ee Soomaaalidu waxa ay soo martay caqabado ay sababsadeen gabayo tiro badani. Gabayo mug iyo miisaan lahaa ayaa dhowr meeris uun laga helay. Halka kuwo kalena gabi ahaanba ay lumeen. Sidoo kale niman hal-abuurkoodu cajab leeyahay ayaa iyana halkaas ku dhex qarsoomay. Gabaygii oo ku la mid ah balse qaafiyadda iyo ereyada la kala duwayo iyana Soomaalida dhexdeeda way ka dhici jirtay , malaa iyana waxaa tusaale inoogu filan gabaygii caanka baxay ee uu Abwaan Ismaaciil Mire ka tiriyey Dagaalkii Ruugga ee dhacay 9kii bishii tobnaad 1913kii, kana dhacay dacallada buurta Dulmadoobe. Ismaaciil oo safka hore ee Abwaannada Soomaaliyeed kuwa ugu horeeya ku jira, isla sidaas oo kalana caan ku ahaa inuu wixii meeshaas ka dhacayba gabay ahaan u soo tebiyo waxa uu tirshay gabygan.
-Annagoo Taleex naal, jahaad taladi soo qaadnay
-Toddobaatan boqol oo Darwiish, togatay neef doorka
-Sayidkeennu tii uu na yidhi, torog ku heensaynnay
-Wareegada waxay uga tawalin, yaan wax kaa tegine
-Sibraar caana geel loo tabcaday, Talax ku sii maallay
-Misna tawlka qaalmaha nin iyo, tulud u soo saarray
-Ilaahay ha tabantaabiyee, noogu tacab khayrka
-Shakadaha intuu noo tamilay, tiisa nagu waani
-Tiirkii Rasuulkiyo sharciga, toog ku wada fuullay
-Galabtaa taxaabiyo kadlaba, toobiyaha qaadnay
-Habeenkii fardaha waw tudhnaye, Taag ku sii mirannay
-Tun biciida lagu qoofalyoo, xamashka loo taabay
-Goortii ay Talaaduhu dhaceen, talalayoo reemay
Tixda gabay kolkii aan akhriyey, toose niman jiifay
-Tiraabkaygu meeshu ka baxay, la isku soo tuumi
Gabay Dheeg
Hadaba Abwaan Qowdhan Ducaale ayaa isna ku gabaygaas Ismaaciil Mire la jaada tirshay, tolkiisii (Ciiddagale) ayaa geel soo dhacay isaga oo sidii wax u dhaceen tabinaya ayuu tirshay gabayga beydadkani ka mid ka yihiin.
-Hiirtii intaan rag u Iallabay guluf u heensaynay
-Caanaha sibraar loo hubsaday heetis kaga maalay
-Hadhka lama galee maalintaa socod ku haasawnay
-Habeenkii halkii laga degey hugun la gaagaabi
-Kolkay dhaxanta wada hiifayeen hadal u diirdiirshey
-Hiyigaan ka soo bixitinnee hore u kooraynay
-Kolkii waagu noo halalac yidhi halabsannoo fuullay
-Hardafkaan ku liibaani jirey haawiska u qabannay
-Abbaanduulihii lagu hodmiyo hibada wiil saarray
-Haawayda dooyada markaa laba horraysiinnay
-Qorraxdoo dhan heelkeedu maray halab la qooraansey
-Higta weerar sida hoorimaad hiririgtii yeedhay.
Isla sidoo kale gabay Abwaan lahaa intaad qaadato waad dhalan rogi kartaa oo malaha ‘Gabay-xayir’ ayaad u garan ogtihiin. Waxaan soo qaadanayaa gabay-xayir lagu sameeyay Ismaaciil Mire .
Cabdisalaan (AUN) markaa waxa uu helay fursad uu dooddaa isna kaga warceliyo, waxa uuna tiriyey gabayga “Togga Herer” oo aad u caan baxay. Gabaygan waxa uu Cabdisalaan kaga warramay xaalka dhalinyarada barisamaadka joogtay ku sugantahay, waxa uuna u soo tebiyey, isaga oo tixraacaya gabaygaa Ismaaciil—balse dulucdu kala fogtahay—sidatan:
Duhurkii toggaa Herer haddaad qado ka soo tuurto
Hurdo laguma taamee naftaa lala tacaalaaye
Anigiyo toddoba aan ku jirey tumasho soo qaadnay
Rag tabaabushuu leeyahaye wax is tusaalaynay
Labo tubaha soo kala cayima hore u sii tuurray
Ayaguna tusmada warkay sideen nooga tibixsiiye
Tog-wajaale qaadkii ka yimid tacab u soo miirnay
Markay laba tobnaad noo xireen toobiyaha qaadnay
Tagsi lagama maarmee nin wadey suuqa nagu tooci
Tilmaan-quruxsantii lala ballamay saani ugu toosnay
Tubtii horeba boqol jaatifaa teybalka u saarray
Barkimooyinkii teedsanaa suxul ku taageerray
Nin waliba halkuu soo turqaday garabka soo tiiri
Intaas aan arar kaga gudbee , muddo aan saas u sii fogayn , ayaan ku arkay dhiggane ka mid ah dhigganayaasha Hannaan-Aqooneedka u ah ismaamulka Soomaali-galbeed, waxaana dhex bartanka kaga yaalay cutub uu ka mid yahay qiimaha geela, waxa uu arartaba toos ugu gudbay gabay uu u tiriyey Abwaan aan ahayn kii curiyey, waana gabayga caankaa ee ay ku jiraan meerisyadani:
-Adhi iyo lo’ baa lagu baxshaa aana kuu timide
-Arlaaga geela ah naftaa lagu ilaashaaye
-Kolley aabbahaa tahay nin kale looma aamino e.
Abwaan Samatar Baxnaan oo ah Abwaan Reer Ciideed ah ayuu u tiirayey buuggaasi, isla sidoo kale waxaan gurracan ku arkay , cajillad uu duubay Axmed F.Cali Idaajaa oo uu kaga warramayo gabaygan, kaas oo uu libta gabaygan siiyey ; Abwaan Samatar Baxnaan. Isla sidoo kale Dhigganaha Suugaanta Geela ( Axmed Cali Abakor-1986) ayaan maroorkaas ku arkay. Bal aan horta idiin soo tebiyo qisada uu ku yimid gabaygani; dhammaan gudaha Soomaalida hal-abuur kastaa waxa uu caan ku ahaa nooc nolosha ka mid ah oo uu ka Maansoodo. Samatar Baxnaani nin xidid gargaariddiisu ay aad u sarrayso ayuu ahaa , kolkii ay walaalkii Cismaan Baxnaan isugu gabyayeenna waa kii Cismaan Lahaa:
– Ninkii xidid gargaara hadduu geedo sare waabtay
-Adba yaradka waad sii Gurta gooriyo layle
-gabadhaad Qabtiyo taydu soo dumar Gudboon maaha
-waliba Reer Garaad Xaawo soo kuma Gudoon Yeelan.
Haddaba, Samatar ma ahayn nin curin kara gabaygan oo sida muuqata ah gabay xoolo loogu diidayo niman xidid ah rag iyo lexejecladiiye. Abwaanka curiyey waxba yaanan idinka warwareejine waa Abwaankii Waynaa ee Reer Ciideedka ahaa ee Axmed Nuur Aadan ( Axmed-Dirir). Waxa uu noolaa gabyaagani badhtimihii qarnigii tegey, mana ahayn nin gabay badsi ku caan ah ; ee waxa uu caan ku ahaa helidda qodobka laga maansoonayo. Labo gabdhood oo uu Axmed Dirir guursaday labadaba gabayadiisa labada ugu caansan ayuu ka tirayaey. Midi waa gabadhii uu ka tirayey gabayga gabay uu curiyaba ugu caansan ee ay beydadkiisa ka mid ahaayeen.
-Usha dheer markaan geelayaga, ugubka soocaayey
-Aydinkeeda qaalmaha markaan, u intihoon waayey
-Aloos iyo markaan miiggan oo, ololasha laameeyey
-Abtrisiimihii baa i hoday, Aadan Carabow e
-Haddaan Ebirrar iyo Tuur-yar iyo, Aado Gacal-Muuse
-Dadkaa Uufannaaga ah, haddaan Adhijir weydiisto
-Ama reer aan soo ag maray, anan ka ilduufin
-Idahayga iyo naylahaan, edeg wadaageene
-Isla joog baraar leh iyo wan weyn, ma arki waayeene
-Nin ambaday halkuu aaday, way ula ekoonayde
-Anigoo arkaayaan wadadii, eerigoo maraye
-Arrin kale ilaawaye haddaan, aqalka lay daadin
-Ama awr an gaadiid ceshado, la i ammaaneeyo
-Ayaan iyo wixii laba ka badan, eregtu waa ceebe
-Nin aamano neceb baan ahoo, iguma aameene
-Abaar caano leh iyo ceelow waa, adhiga daaqiise
-Isha Docolley Reeraha ag yaal, kalama aadeene
-Amaana Alla mooyeene wax kale, maba idhaahdeene
-Waxaa ooyda naag aabaloo, ehel u muuqdaaye
-Agoonimada waa waxa cidlada, loogu awdalaye.
Gabadha gabayga loo tiriyey waa Khabaar Moog Axmed Ileeye (reer Cali Gari- Guuleed Cali- Cali Guuleed -Diiriye Cali-Maxamed Diiriye), gabadhan ayaana guur ugu dambaysay. gabaygani waa gabaygii uu ka bilaabmay silsaladdii reer Buuhoodle malaha ku dhawaad 10 Hal-abuur ayaa ka tix abuuray wareegto suugaaneeddan. Axmed sidoo kale waxa uu guursaday gabadh ka horraysay tan, waxayna ahayd Abshiro Xoosh (Cali Gari-Suubaan Cali Gari- Reer Khayr-Faarax Khayr). Gabaygan Samatar loo tiiriyey waa gabadha uu sababteeda u tirshay Axmed Dirir. Sida la wariyo Maxamuud Xoosh oo ay Abshiro walaalo yihiin, ayaa kusoo hoyday gurigii Axmed Dirir oo kolkaa walaashii Marwada ka ahayd. Abshiro Kolkaasay Axmed Dirir ku tidhi “Axmedoow walaalkay soo sii Hal ” Axmedi Arrinkaasi si weyn ayeey u danaqday kolkaas isaga oo Abshiro u caqli celinaya ayuu u sheegayaa: in maalintii abaartii weynayd ee Aqallaale oon loogu madhay , ee waliba umulihii matagay la waayeyy wax loogu afdhaqo, in iyada uu awrku u saarnaa caano geel oo dhay ah ; Kolba intay ka cabtana in uu isagu buuxinayey. Waxa uu sheegaya aanada, yaradka, dhibaadda iyo wixii xoolahaaga looga baahdaba inaan lagu bixin geele, ee adhiga iyo lo’da lagu bixiyo. Sidoo kale waxa uu u sheegayaa; in aanan geelaaga sinaba aan qof kale loogu aamminin , xitaa aabbaha, waxa uuna Axmed Dirir yidhi sidan:
-Aqallaale maantii asqiyo oonka lala lee’day.
-Ummulaha mantagay maalintii loo af dhiqi waayey,
-Aagaan karuuraa sudhnayd awrka kuu rarane
-lntii aad dhintana dhay kalay ku iltiraayeene,
-Adhi iyo lo’ baa lagu baxshaa aana kuu timide,
-Arlaaga geela ah naftaa lagu ilaashaaye,
-Koley aabbahaa tahay nin kale looma aamino e.
Gabaygan oo aan hubo inuu intan ka dheeraa gaabis dhankayga ah intan ayaan ka soo helay. Sooyaalka Abwaanka gabaygan Intii aan ka helo kansho kale ayaan idinla wadaagi doona Haddii Koon-abuuruhu suurtagalnimadiisa oggolaado.
Xigasho Dr: Ciideed “Qoraal sameeye”
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed