Gabayga: Riyo aan rumoobayn
Riyo aan rumoobayn maxaa, rag isku howl-howlay.
Rajo aan la gaadhayn maxaa, raadin lagu goobay.
Runta marinadeedii maxaa, beenta laga raacay.
Rayigii wanaag sida maxaa, loo rujiyay tiirka.
Maxaa reero wadayaal colaad, loo rakibay qiiqa.
Rafadkiyo galgalashada maxaa, raagid la doonay.
Maxaa talo la riiqayay ka timi, ruug cadaa odaya.
Ragii xadhiga loo dhiibayee, lala rafaadaayay.
Ee sahanka raadiya la yidhi, loo rakibay dowga.
Riyaaqii caruuraha maxaa, loo raxlay geliyay.
Waa aduun rogmanayoo dhacmee, roone naga baaqso.
Murtiyosuugaan
Mr: Cumar Ismaaciil Digeed