Dagaal waa burbur iyo halaag

Sidaad la socotaan Dagaal iyo Nabadba,waxay ka midyihiin , waxyaabaha la xiriira nolosha , Adduunkan aan ku nool nahay.Waxaad aragteen, inkastoo qofku uu u jeedo, dhibaatooyinka faraha badan oo lagala kulmayo curinta dagaalka,

 haddana wuxuu nabadda ka doortaa inuu dagaal galo asagoo aan ka fakarin inuu xal kale raadsho, si looga badbaado dhibaatooyinka aan la soo koobi Karin oo dagaalku keeni doono iyo shalleytada iyo qoomamada aan waxtar cidna u lahayn. Dagaal, guud ahaan wax la mahdin karo maaha, marka in lagu raasho Nabad, wax kastoo sababikara dagaal ayaa loo baahan yahay, siiba umadda soomaaliyeed dhexdeeda oo dhowr iyo labaatan sano muddo ka badan aragtay, soona dhedhemisey dagaal wuxuu yahay. Si loo baajiyo Dagaal iyo dhibaatooyinkiisa badan, waa in la isticmaalaa sabir iyo caqli lagu xakameyn karo Dagaalka, iyadoo la tixgelinayo dhaqankii suubanaa oo soomaalidu horay u lahaan jirtey.

Kadib, markaan si dheer uga fakarey,dhibaatooyinka iyo burburka,dagaal kastoo dhacaa la imaan karo iyo anigoo doonaya inaan dad badan oo soomaali ah la wadaago waxa dagaal yahay, iyo guud ahaan dhibaatookiisa faraha badan oo uu la yimaado , ayaan waxaan isku deyey inaan derso inta magac oo loo bixin karo dhibaatooyinka farahabadan ee ka imaan kara Dagaal kastoo qofku galo.

Ujeedada ugu weyn oo aan ka leeyahay maqaalkan, waa in dadweynaha soomaaliyeed ku fakaraan in markasta loo baahanyahay in la doorto Nabada , inta aan dagaal lagu raadin wax kastoo leysku qabto ama leysku heysto. Hoos waxaan ku qorayaa ilaa boqol sifo ama magac oo la siin karo dhibaatooyinka uu DAGAAL leeyahay, kuwaasoo ay kamid yihiin isbedelka guud oo ku dhici kara dhimirka iyo jirka qofka dagaallamaya iyo kuwa agtiisa ku nool, oo ay ugu horreyso waallidu.

1)Dagaal waa kadare

2) Dagaal waa foolxumo

3) Dagaal waa dhimasho

4) Dagaal waa dhibaato

5)Dagaal waa burbur

6) Dagaal waa hoog

7) Dagaal waa ceyrnimo

8) Dagaal waa abaar

9)Dagaal waa horornimo

10) Dagaal waa lacanad

11) Dagaal waa waalli

12) Dagaal waa kala carar

13) Dagaal waa maato-dile

14) Dagaal waa Jaahilnimo

15) Dagaal waa qabyaaladeyn

16) Dagaal waa cadaab

17) Dagaal waa biseyl la’aan

18) Dagaal waa xishood-la’aan

19) Dagaal waa silic iyo saxariir

20) Dagaal waa Doqonnimo

21) Dagaal waa sharaf la’aan

22) Dagaal waa Naxariis la’aan

23) Dagaal waa farxad la’aan

24) Dagaal waa ficil xun

25) Dagaal waa kala-dire

26) Dagaal waa isku-dire

27) Dagaal waa fitno abuure

28) Dagaal waa xumaan

29) Dagaal waa barakiciye

30) Dagaal waa ka oohiye

31) Dagaal waa nicmo burburiye

32) Dagaal waa xis la’aan

33) Dagaal waa xilkasnimo xumo

34) Dagaal waa belaayo baas

35) Dagaal waa Alle ka fogaansho

36) Dagaal waa raaxo la’aan

37) Dagaal waa maamul xumo

38) Dagaal waa qorshe la’aan

39) Dagaal waa uturid la’aan

40) Dagaal waa xasilid la’aan

41) Dagaal Allaa kadigey

42) Dagaal waa qaraabo gooye

43) Dagaal waa aan kala tagno

44) Dagaal waa maato ka oohiye

45) Dagaal waa kala dile

46) Dagaal waa qabri qode

47) Dagaal waa kala yareeye

48) Dagaal waa lagu dhintaa

49) Dagaal waa maslaxo la’aan

50) Dagaal waa cudur

51) Dagaal waa gaajo

52) Dagaal waa kala fogeeye

53) Dagaal waa shaqo la’aan

54) Dagaal waa ceeb

55) Dagaal waa Xanuun

56) Dagaal waa jeceyl dile

57) Dagaal waa lagu hoobtaa

58) Dagaal waa qarax iyo baaba’

59)Dagaal waa isnaceyb

60) Dagaal waa qaraabo gooyn

61) Dagaal waa xisdi iyo xiqdi

62) Dagaal waa naxariis laawe

63) Dagaal waa fakar laaan

64) Dagaal waa kala qeybiye

65)Dagaal waa aano abuure

66) Dagaal waa horumar la’aan

67) Dagaal Allaa xarrimay

68) Dagaal waa murugo

69) Dagaal waa laga deyriyey

70) Dagaal lama mahdin

71) Dagaal qurux maleh

72)Dagaal waa khasaaro

73) Dagaal waa Dufkubax

74) Dagaal waa waxshinnimo

75) Dagaal waa maslaxad la’aan

76) Dagaal waa cimri-gaabiye

77) Dagaal waa kala- reebe

78) Dagaal waa dibjir noqo

78) Dagaal waa sarriig la’aan

79) Dagaal waa kasmo la’aan

80) Dagaal waa aan dhimanno

81) Dagaal waa Ammaan la’aan

82)Dagaal waa laga duceystaa

83) Dagaal waa wadaniyad xumo

84) Dagaal waa liite

85) Dagaal waa bakhtiiye

86) Dagaal waa u darane

87) Dagaal waa caqli xumo

88) Dagaal waa musiibo

89) Dagaal waa naafeeye

90) Dagaal waa karaahiyo

91) Dagaal laguma cayilo

92) Dagaal waa sun

93) Dagaal waa kharaab

94) Dagaal waa Dullinimo

95) Dagaal waa naxdin iyo hanfariir

96) Dagaal waa jowr

97) Dagaal laguma degdego

98) Dagaal laguma baraaro

99) Dagaal dheef maleh

100) Dagaal waa looma riyaaqe.

Kadib, markey akhristaan dad badani maqaalkan iyo dhibaatooyinka uu leeyahay DAGAAL, oo aan kor ku soo taxay , waxaan isleeyahay, in qaar badani igu raaci doonaan , in markasta dagaal iyo colaad taagani, eeyan maslaxad iyo horumar u keeni doonin Umadda soomaaliyeed. Marka,hadaad tahay muwaadin wanaagsan, ka fakar dhibaatooyinka aabayaasheen ka soo mareen hanashada xorriyada Ummadda somaaliyeed iyo sidey markasta ugu dadaali jireen isku-duubnida Dadweynaha soomaaliyeed. Ahaw mid nabada hormuud u ah..

Xigasho: Dr Karaani

Muriyosuugaan

Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo