Nagu saabsan

Nagu Saabsan

Nagu Saabsan: Hoyga Murtiyosuugaan

Halbeegga (Our Stance)

Suugaanta Soomaaliyeed waa mid ka mid ah Hiddaha Aadanaha ee ugu Weyn uguna Qanisan. Waxay u qalantaa in loo dhiso Guri Qudsan oo Dabaqa ah si loo ilaaliyo ammaankeeda, loona horumariyo iyadoo lagu muujinayo qab iyo jacayl qaran.

Awoodda Suugaanta

Suugaantu waa laf-dhabarta Aqoonsiga Soomaaliyeed. Gabayada iyo Maansadu waa Midayntii Ummadda meel kasta oo ay joogaan. Waxaan aaminsannahay in Afkeenna iyo dhaxalka suugaaneed ee aan wada leenahay uu yahay Qalab Nabadeed oo xoog badan, kaas oo ka bogsii kara kala qaybsanaanta iyo horumar la’aanta.

Ujeeddada Aas-aaska (Our Purpose)

Waxaan u abuurnay Hoyga Murtiyosuugaan (Home of Somali Wisdom and Literature) si aan u xafidno Suugaanta, u soo bandhigno caalamka, iyo inaan awoodeeda uga faa’iideyno dib-u-dhiska ummadda.

Hadafka aan Hiigsaneyno

Waxaan u diyaarinay mareeg qurux badan oo hanan karta Han Qaran, una soo bandhigi karta adduunka Murtideena iyo Suugaanteena. Websaydhkeenu wuxuu si hufan u kaydin doonaa, tabin doonaa, una soo bandhigi doonaa:

  • Murtida iyo Suugaanta Sooyaalka (Taariikhda)
  • Suugaanta Maanta (Hal-abuurka Cusub)

Si ummadeenna Soomaaliyeed ay ugu dhaadato, ugu faanto, looguna adeegsado barashada iyo horumarka.

100+

Abwaanno Hore Abwaano carsiya

1000+

Murti iyo Suugaan

30+

Maqaalo iyo Sooyaalka Qoraal ah

Mareegtan Casriga ah waa hoyga rasmiga ah. Waxaanu si hufan u uruurinay, u diyaarinay, oo u soo bandhignay Dhammaan Kaydadka Murtida, Suugaanta, iyo Sooyaalka (Hiddaha) Soomaaliyeed. Waa Xaruntii ay aqoonta iyo taariikhdu isugu yimaadaan.”

Abwaan Cumar Ismaaciil Digeed

error: Halkan kaga boggo