Gabaygii garnaqsi ama muddac ee Aadan Mahad Af-dhurbo docmo ka tiriyay
1997dii
sababta iyo dhacdada riig la keenay
Magaalada Docmo ayaa labo tol shaqaaqo ka dhex hurin gaadhay
wuxuu yiri
1:-Gabaygaan muftaaxa u xidhee muxubbadii daayay.
2:-Macfalkiyo rikoodhada tixdii aan ka marin waayay
3:-Ee aan la maarsaday cirradan igu malaasow-day
4:-Ee aan kuwii iga martiyay
5:-maya-da deeqsiiyay
6:-Ee aan cali buraaloow masaxay la igu miineeye.
7:-Xalay buu mirtii.iigu yimi mayay sidiisiiye
8:-Inkastaan mar horre maafka dhigay ama masuugaayay
9:-Mar haddii murtida loo tartamo madasha lay keenye.
10:-Bal yaan caawa loo kala maqnaanmaayad baa furrane,
11:-Mariilkii bukoodiyo halkay maxastu noo tiilay.
12:-Ama odayga meeqaamka gaba lagu masruufaayay.
13:-Milatari rag aan laga aqoon maalna wadi waayaay
14:-Mar uun baa mahiigaan qabsaday oo na maaruqaye.
15:-Imminkaa mashruucii la yidhi waa inoo migise
16:-Dalku kala mihiimsane docmay nagu muraadeenne
17:-Wax la mid ah malyuun iyo malyuun maash u soconaaya
18:-Oo mooradii aad lahayd kula macaynaaya.
19:-Oo aan misanna kaa maqlayn maandhow naga jooga.
20:-Waa waxa madluun lala yahaan maansada u idhiye
21:-Darisku waa macaan iyo inuu kala mastuurtaaye
22:-Mitid-kiyo maroorsiga haddii laysku maan dhaafo
23:-Oo labo qabiil loo muddaco qoliyo meesheeda
24:-Maahmaahda iyo baanaha laysu miisaaye
25:-Millil hoostii iyo waa colaad madhaxay reebtaaye.
26:-Ceelkaa dadkii wada mutaye nalagu maagaayo
27:-Mar horuu mulkiyad noo noqdoo noo mihiib galaye
28:-Muslinka iyo gaalada cad baa noo markhaatiyahe
29:-Inta dawlad nagu maamushaye madax na loo keenay
30:-Ee inaannu maasuulka nahay maamka naga haysa
31:-Ee calan masiixiya la sudhay mi,a 100 wax baa dheere
32:-Ilaa mililikh maarshaaladii maaryam iyo xayle
33:-Muddadii talyaanigu dagiyo muuse iyo liiran
34:-Ama maqadimiinta ingiriis maadhar nagu qaadday
35:-Ama maxamed shiikh iyo darwiish nagu marqaaf-yeeyay
36:-annagiyo majeerteen intuu mag iyo kiis taartay
37:-Dadka kale ka maagyaye intaannu moqotinka u haynay
38:-Micidii kaniicadu waxay mawda naga saartay
39:-Magsadkaa harraadee waxaannu manqada ku asqoonay
40:-Moqorka iyo yoocada intaan muudsanaye nuugnay
41:-Imminka waaba maax iyo durduur miilo aan go,ine
42:-Isagoo magaanyo ah intaannu maato la agjoognay
43:-Marsada iyo maraakiibtu waa maalmo iyo dhawre
44:-Dharka lagu mashaawira hayiyo muunnadiyo shaalka
45:-Marbuucdiyo maraykaantu waa moodadii timiye
46:-Inta ruux naftii laga mal-malay maraba loo waayay
47:-Masjidkiyo minqaadkaa dhexe iyo dhiico midigtiisa
48:-Mutullaha buraaliyo ilaa mirayda hoosteeda
49:-Inta daw idiin muuqatiyo qudhacle meeshiisa
50:-Maalladiyo labadaa kurood maahirrada jiifa
51:-Mire-yaal halkii lagu dilay iyo niman maqaawiira
52:-Ma mooggiye halkii jaamac ciye maylin lagu dooxay
53:-Xasan-yarana maarruhu la tagay ee mayl-ka laga toogtay
54:-Maskaxda iyo dhiigiyo halkaa maydka yagu yaallo
55:-Ragga haatan noo soo mudh yidhi sida libaax muud ah
56:-Intaas oo masiibo iyo shil ah bay naga maqnayeene
57:-Mahlakadiyo geerida ma oga laysla soo maraye
58:-Markii laas matuuxa ah la helay lana magaaleeyay
59:-Goortii matoor laga qoday ee meherad loo yeelay
60:-Yay macaanidiisiyo arkeen mulufka ciideede
61:-Mushtarkiyo hadday gaadhiyadu naga ma sayreene
62:- Ay madax maroodi u gudbeen maal qabeennadu
63:-Magligoo isdhaafiyo ayaan milicda lays daadshay
64:-In dhulbahante kama maarannee muruqa noo keenay
65:-Oo ay maalmo soo ciidansheen waa macruuf runahe
66:-Mahadsanidin goortaad qoryaha soo mijilateene
67:-Annaba muusannoow kama hadhneen aad na mudateene
68:-Mikirifoonka iyo siidhigoo malakhadaynaaya
69:-Nin walaalkii qayladii maqloo maarsadaan nacaye
70:-Miyirkaanba noo saamaxeen haw miciinina,e
71:-Muh-malna kuma jirnee waa inaynu is malaynaaye
72:-Madi curatay baa inoo dhashaye moroh-yasoo qaata
73:-Kollayba wayska wada maalaynaaye magaca noo daaya
74:-Manfacna ugama jeedee xaqaan muuji leeyahaye
75Murrankanna bedela yaan toloow lays mahoobbiyine.
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaante ee Murti
Tafatirkii: Mr Cumar Ismaaciil Digeed