“Gabayada uu Qamaan Bulxan ka tiriyey sheekadii jacaylka ahayd ee Barni Sheekh Cabdille waxaa ka mid ah gabaygan hoose.

Sheekada oo ah mid dheer oo dad badan ay maqleen, waxaase meesha aynu u soconno la yiri: Culimo Reer Sheekh Abbayoonis ah ayaa loo keenay Barni si ay Qamaan uga fasaqaan (kala fasaqiyaan). Wadaadadii markii ay kutubtoodii ku noqdeen, waxba oo ninka haweenayda ka fasaqaya ma aysan helin. Waxay yiraahdeen, “Wax qiil ah (sabab sharci ah) uma hayno, ee na dhaafiya.”

Ka dib, waxaa Barni loo geeyay wadaado kale oo Reer Aw Nuux ah (Abasguul), kuwaasoo sidii kuwii hore laga codsaday inay fasaqaan. Iyaguna waxay u kala rogeen kutubtoodii. Gar iyo gur waxay doonaanba ha ku sameeyeene way fasaqeen, waxayna u sheegeen in Barni madax-bannaan tahay.

Qamaan markii loo sheegay sida ay wax u dhaceen, wuxuu la colloobay wadaadadii oo dhan, marka laga reebo kuwa Reer Sheekh Abbayoonis. Su’aasha ah, ‘muxuu ula colloobi waayey? Oo waxay ku sameeyeeni ma wax aan la collaysan baa!’ waxay muujineysaa in Qamaan uu xushmad weyn u hayay sharciga ay ku shaqeeyeen culimadaas diiday fasaqa.

Muddo ka dib, waa tii Barni dib loo soo dhiciyey, oo ay ku soo noqotay raaskeedii iyo gurigii Qamaan Bulxan.

Maalin maalmaha ka mid ah ayuu Qamaan yimid gurigiisii oo ay culimo ka hor fadhiso (xadraynayso). Kolkaas ayuu weydiiyay, “War wadaaddayahow, yaad tihiin?”

Waa la ogyahay in wadaadda Soomaaliyeed aysan qabiil gaar ah sheegan jirin, balse ay sheegan jireen inay yihiin dariiqo, xer, culimo ama ikhwaan kolba kay doonaan. Wadaadadii waxay Qamaan ugu jawaabeen “Ikhwaan baanu nahay!”

Intaas markii la is dhaafsaday ayuu Qamaan tixdan garnaqsiga ah wadaadadii hortooda ka mariyey.

Gabaygu waa kala maqan yahay, laakiin inta aanu helay waxay tidhi:

  • Ikhwaankiyo ardadu waa kuwaan, eedda lee nahaye
  • Abayoonis mooyee wadaad, eegataan nahaye
  • Kol hadday ubbiyo loox sitaan, waa Allow sahale
  • Abasguulna waan ugu nebcahay, uumiyaha noole
  • Allaa igu og goortaan arkaan, umal wareeraaye
  • Mufti sheekh yaa iga fasaqay ma aligi dhalaye??
  • Waa wada abtiyo seedi iyo, ina adeerowe
  • Asmo iyo caqliyo arrin wuu, ii isxaan falaye
  • Ardaaga iiga kaca naagtu waa, taydun erideene

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo