Maalka Daraawiishta iyo Dhacdadii Dhurwaaga
Maalku wuxuu ka mid ahaa salabka ay Daraawiishtu adeegsato si ay Gumaysiga uga kiciso geyiga Soomaaliyeed.
- Mar wuxuu u ahaa gaadiid (fardo iyo awr) oo meesha diyaaradaha iyo dabaabaadka dagaalku Ingiriis iyo Talyaaniga uga jireen ayuu Daraawiishta uga jiray.
- Mar wuxuu ahaa miisaaniyad iyo saad ciidanka Daraawiishtu ku nool yahay.
- Mar wuxuu ahaa guno siyaasadeed oo Sayidku u bixin jiray si uu u sasabto oo xeryaha ugu buuxiyo qofkii uu danaynayey.
Run ahaantii, tabta dagaalka ee Daraawiishta waxaa lagu garan karaa inay mar walba xeerinayeen oo ay degaansanayeen meelaha xooluhu ku tanaadaan. Xilli kasta, waxaa xarunta Daraawiishta buuxay xoollo badan oo nooc walba leh. Tusaale: Doollo geel badan ayaa gacantooda ku jiray; halka ay Nugaal deganaayeenna waxay dhaqdeen fardo iyo adhi badan.
Gabadhii Adhijirta iyo Xuseen-Dhiqle
Haddaba, Daraawiish oo degan meesha la yidhaahdo Galingaalle oo degaanka Ayl hoostaga, adhi badanna haysata, ayaa waxaa adhigii sutida u qabtay dhurwaa. Maalinba dhawr ayuu cunaa.
Gabadh gabdhihii adhiga raacayey ka mid ah ayaa is tidhi “Sidan laguma jiri karo” ee odayaasha Daraawiishta waa in arrinta loo gudbiyaa si talo loo helo. Waxay u tagtay Xuseen Maxmuud Faarax (Xuseen-dhiqle), oo ka mid ahaa madaxda Daraawiishta, waxayna ku tidhi: “Adeerow adhigii waraabe ayaa nag ka dhigay ee maxaan yeelaa?”
Isagoo is leh fariinta gabadhu yaysan adiga uun kugu koobnaanin ee Daraawiish iyo waxgaradkeedaba ha gaadho, ayuu Xuseen-dhiqle gabadhii ku yidhi, su’aal fudud oo gabay ah:
“Oo Adder dhurwaaga maxaad ugu odhan wayday:”
Dhurwaa adhiga Eebbaa leh
Eebbiyo Ustaadkaa leh
Oo niman dableyaa leh
Oo niman ku dili baa leh
Waa niman Daraawiisha
Gaaciye Mataan baa leh[1]
Geeraarshihii baa leh[2]
Laba Ilma Garaadaa leh[3]
Cabdalle Suldaan baa leh[4]
Carab galacya dheerbaa leh
Cumar Daba-gabooyaa leh
Joofey Jiriidhbaa leh[5]
Inantii caddayd baa leh
Cawrala Dabey baa leh
Suubanoon samrayn baa leh[6]
Samawadoo ka daranbaa leh
Yaan gamas laguu qarine
Gablamow isaga leexo.
Geeraarkaa Xuseen-Dhiqle wuxuu xaruntii ku faafay, waxaana aad loo jeclaystay oo loogu majaajilaystay. Sayidku wuxuu ahaa nin fursadda gabayga iyo maansada oo dhan sida looga faa’iidaysto aad u yaqaana. Wuxuu is yidhi majaajiladaa iyo sheekadaa saaqday xarunta iyo dareenka dariiqada ee uu geeraarka Xuseen-Dhiqle kasbaday ka faa’iidayso, wuxuuna tiriyey mid ka jawaab u ah.
Sayidku wuxuu ugu horraynba bidhaansaday meesha ugu dhibka yar ee geeraarka Xuseen laga dhaliili karo ama laga naqdin karo. Wuxuu tusay inuu ka xumaaday labada meeris ee geeraarka Xuseen-Dhiqle ugu horreeyay ee ahaa: “Dhurwaa adhiga Eebbaa leh, Eebbiyo Ustaadkaa leh.” “Alle sideed qof wax ula wadaajin kartaa?” ayaa ahaa gundhaca cadhadiisa diiniga ah.
Haddaba, halkaas ayuu ka duulay, wuxuuna iska dhigay sidii nin afhayeen u ah dhurwaa dhuruq dhaylo dhallaanka cabsiiye.
Caadiyan, gabayga iyo geeraarka Sayidku mar walba siyaasad kama madhnaan jirin, midkana arrimo siyaasadeed ayaa tif ka ah oo uu ku muujinayaa, isagoo dhaliilaya ragga cadowga la shaqeeya.
Wuxuu yidhi Sayidku isagoo fariintii waraabaha soo gudbinaya:
Xeseenow aqoon xume eraybaan ku leeyahy
Awal horre haddaad tidhi Eebbaa adduunka leh
Eegana maxow tidhi annagaa adhyowga leh
Inaad laba aflaysaa ma anfici karaysaa
Ma Alloo kalaad tahay mise waad ka adag tahay
War ma adaa ardaalyahow arsuqayga celin kara
Adba wuu ku uumaye ma anaan abuurrayn
Mise aniyo adigaa Eebbe weyne kala xiga
Ayaantaan afuro helo maxaad uga umlaysaa
Illeen waa Abraahiin[7] aaqibo ku diinkiis
Mise waa Ogaadeen[8] aflagaadadiisii
Mise waa Il-jeexiyo[9] umuurtuu ku kici jiray
Gaaciyoo aboodiya ma aabaan ka leeyahay
Haddii uu Islaan yahay Ingiriis ma aadeen
Oo inamadiisii agoon uguma taliyeen
Cumar waa abootee miyuu ii olmomayaa
Joofeyga odayga ah miyuu orod holaayaa
Cabdul eebo kollay tahay miyuu aalad leeyahay
Inta kaloo aad sheegtayna waa oryo naaga ah
Adigana urruufyahow anigaaba kaa adag
Aw iyo Majeerteen waa ina adeerkay
Tan iyo aamanuudii Ilig baan fadhiyi jiray
Abtirsiinyahayguna waa Reer Ugaadh Cumar
Adigana adoogaa Uubataaluu[10] lahaan jiray
Haddaad aamin doon tahay orodoo aayar iga guur
Haddii kale ha ooyine adkaysaan ku leeyahay.
Anigoo ah Qoraa ka mida Akadimiyadda Murti Waxaan dhugtay Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise si aan meelaha qaarkood u saxo.
Magacyada Geeraarada ku jira:-
| [1] Gaaciye Mataan Faarax wuxuu ahaa farsamo yaqaankii Daraawiishta [2] Xuseen-dhiqle naftiisa weeye [3] Ilma Garaad Cali, Dhulbahante, oo dariiqada ka mid ahaa ayuu u jeedaa [4] Cabdul Suldaan Cilmi Xaasey. Suldaan caan ahaa oo waliba wadani ahaa oo ka dhashay tol tololka Doollo dega ka mid ah oo uu Ingiriis ku dilay Ceeldheer sanadkii 1919kii [5] Joofey Cali Jidhiidh, Darwiish qudhiisu Doollo kasoo jeeda ayuu ahaa [6] Joofey haweenaydii u dhaxday inay ahayd ayaa lagu sheegay [7] Abraahiin, Makaahiil, Ogaadeen. Waa lafta Xuseen-dhiqle yahay[ 8] Ogaadeen tolka kore ee Sayidka iyo Xuseen-dhiqleba ku arooraan [9] Il-jeex: Xuseen Yuusuf Xirsi Dalal, Ogaadeen, Reer Cabdille, Reer Warfaa. Sayidka iyo Xuseen colbay ahaayeen, Sayidkuna aad ayuu ugu halqabsan jiray [10] Waa ceel todobadda Doollood ka mid ah oo u dhexeeya Wardheer iyo Waafdhuug |
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed