Maalka Daraawiishta iyo Dhacdadii Dhurwaaga

Maalku wuxuu ka mid ahaa salabka ay Daraawiishtu adeegsato si ay Gumaysiga uga kiciso geyiga Soomaaliyeed.

  • Mar wuxuu u ahaa gaadiid (fardo iyo awr) oo meesha diyaaradaha iyo dabaabaadka dagaalku Ingiriis iyo Talyaaniga uga jireen ayuu Daraawiishta uga jiray.
  • Mar wuxuu ahaa miisaaniyad iyo saad ciidanka Daraawiishtu ku nool yahay.
  • Mar wuxuu ahaa guno siyaasadeed oo Sayidku u bixin jiray si uu u sasabto oo xeryaha ugu buuxiyo qofkii uu danaynayey.

Run ahaantii, tabta dagaalka ee Daraawiishta waxaa lagu garan karaa inay mar walba xeerinayeen oo ay degaansanayeen meelaha xooluhu ku tanaadaan. Xilli kasta, waxaa xarunta Daraawiishta buuxay xoollo badan oo nooc walba leh. Tusaale: Doollo geel badan ayaa gacantooda ku jiray; halka ay Nugaal deganaayeenna waxay dhaqdeen fardo iyo adhi badan.

Gabadhii Adhijirta iyo Xuseen-Dhiqle

Haddaba, Daraawiish oo degan meesha la yidhaahdo Galingaalle oo degaanka Ayl hoostaga, adhi badanna haysata, ayaa waxaa adhigii sutida u qabtay dhurwaa. Maalinba dhawr ayuu cunaa.

Gabadh gabdhihii adhiga raacayey ka mid ah ayaa is tidhi “Sidan laguma jiri karo” ee odayaasha Daraawiishta waa in arrinta loo gudbiyaa si talo loo helo. Waxay u tagtay Xuseen Maxmuud Faarax (Xuseen-dhiqle), oo ka mid ahaa madaxda Daraawiishta, waxayna ku tidhi: “Adeerow adhigii waraabe ayaa nag ka dhigay ee maxaan yeelaa?”

Isagoo is leh fariinta gabadhu yaysan adiga uun kugu koobnaanin ee Daraawiish iyo waxgaradkeedaba ha gaadho, ayuu Xuseen-dhiqle gabadhii ku yidhi, su’aal fudud oo gabay ah:

“Oo Adder dhurwaaga maxaad ugu odhan wayday:”

Dhurwaa adhiga Eebbaa leh

Eebbiyo Ustaadkaa leh

Oo niman dableyaa leh

Oo niman ku dili baa leh

Waa niman Daraawiisha

Gaaciye Mataan baa leh[1]

Geeraarshihii baa leh[2]

Laba Ilma Garaadaa leh[3]

Cabdalle Suldaan baa leh[4]

Carab galacya dheerbaa leh

Cumar Daba-gabooyaa leh

Joofey Jiriidhbaa leh[5]

Inantii caddayd baa leh

Cawrala Dabey baa leh

Suubanoon samrayn baa leh[6]

Samawadoo ka daranbaa leh

Yaan gamas laguu qarine

Gablamow isaga leexo.

Geeraarkaa Xuseen-Dhiqle wuxuu xaruntii ku faafay, waxaana aad loo jeclaystay oo loogu majaajilaystay. Sayidku wuxuu ahaa nin fursadda gabayga iyo maansada oo dhan sida looga faa’iidaysto aad u yaqaana. Wuxuu is yidhi majaajiladaa iyo sheekadaa saaqday xarunta iyo dareenka dariiqada ee uu geeraarka Xuseen-Dhiqle kasbaday ka faa’iidayso, wuxuuna tiriyey mid ka jawaab u ah.

Sayidku wuxuu ugu horraynba bidhaansaday meesha ugu dhibka yar ee geeraarka Xuseen laga dhaliili karo ama laga naqdin karo. Wuxuu tusay inuu ka xumaaday labada meeris ee geeraarka Xuseen-Dhiqle ugu horreeyay ee ahaa: “Dhurwaa adhiga Eebbaa leh, Eebbiyo Ustaadkaa leh.” “Alle sideed qof wax ula wadaajin kartaa?” ayaa ahaa gundhaca cadhadiisa diiniga ah.

Haddaba, halkaas ayuu ka duulay, wuxuuna iska dhigay sidii nin afhayeen u ah dhurwaa dhuruq dhaylo dhallaanka cabsiiye.

Caadiyan, gabayga iyo geeraarka Sayidku mar walba siyaasad kama madhnaan jirin, midkana arrimo siyaasadeed ayaa tif ka ah oo uu ku muujinayaa, isagoo dhaliilaya ragga cadowga la shaqeeya.

Wuxuu yidhi Sayidku isagoo fariintii waraabaha soo gudbinaya:

Xeseenow aqoon xume               eraybaan ku leeyahy

Awal horre haddaad tidhi          Eebbaa adduunka leh

Eegana maxow tidhi                annagaa adhyowga leh

Inaad laba aflaysaa               ma anfici karaysaa

Ma Alloo kalaad tahay             mise waad ka adag tahay

War ma adaa ardaalyahow           arsuqayga celin kara

Adba wuu ku uumaye                ma anaan abuurrayn

Mise aniyo adigaa                 Eebbe weyne kala xiga

Ayaantaan afuro helo              maxaad uga umlaysaa

Illeen waa Abraahiin[7]           aaqibo ku diinkiis

Mise waa Ogaadeen[8]              aflagaadadiisii

Mise waa Il-jeexiyo[9]            umuurtuu ku kici jiray

Gaaciyoo aboodiya                 ma aabaan ka leeyahay

Haddii uu Islaan yahay            Ingiriis ma aadeen

Oo inamadiisii                    agoon uguma taliyeen

Cumar waa abootee                 miyuu ii olmomayaa

Joofeyga odayga ah                miyuu orod holaayaa

Cabdul eebo kollay tahay          miyuu aalad leeyahay

Inta kaloo aad sheegtayna         waa oryo naaga ah

Adigana urruufyahow               anigaaba kaa adag

Aw iyo Majeerteen                 waa ina adeerkay

Tan iyo aamanuudii                Ilig baan fadhiyi jiray

Abtirsiinyahayguna                waa Reer Ugaadh Cumar

Adigana adoogaa                   Uubataaluu[10] lahaan jiray

Haddaad aamin doon tahay          orodoo aayar iga guur

Haddii kale ha ooyine             adkaysaan ku leeyahay. 

Anigoo ah Qoraa ka mida Akadimiyadda Murti Waxaan dhugtay Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise si aan meelaha qaarkood u saxo.

Magacyada Geeraarada ku jira:-

[1] Gaaciye Mataan Faarax wuxuu ahaa farsamo yaqaankii Daraawiishta
[2] Xuseen-dhiqle naftiisa weeye
[3] Ilma Garaad Cali, Dhulbahante, oo dariiqada ka mid ahaa ayuu u jeedaa
[4] Cabdul Suldaan Cilmi Xaasey.  Suldaan caan ahaa oo waliba wadani ahaa oo ka dhashay tol tololka Doollo dega ka mid ah oo uu Ingiriis ku dilay Ceeldheer sanadkii 1919kii
[5] Joofey Cali Jidhiidh, Darwiish qudhiisu Doollo kasoo jeeda ayuu ahaa
[6] Joofey haweenaydii u dhaxday inay ahayd ayaa lagu sheegay
[7] Abraahiin, Makaahiil, Ogaadeen.  Waa lafta Xuseen-dhiqle yahay[
8] Ogaadeen tolka kore ee Sayidka iyo Xuseen-dhiqleba ku arooraan
[9] Il-jeex:  Xuseen Yuusuf Xirsi Dalal, Ogaadeen, Reer Cabdille, Reer Warfaa.  Sayidka iyo Xuseen colbay ahaayeen, Sayidkuna aad ayuu ugu halqabsan jiray
[10] Waa ceel todobadda Doollood ka mid ah oo u dhexeeya Wardheer iyo Waafdhuug
 

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo