Sababta Gabayga iyo Ammaanta Maadays
Xaaji Muuse Galaal wuxuu sheegay in sababta gabaygan loo tiriyey ay ahayd dhacdo cajiib ah:
Nin Soomaali ah oo ka soo baxsaday Ingiriiska ayaa buntukhiisii wata yimid xarunta Daraawiishta, isagoo Sayidka ku yidhi, “Yaa Sayidii, waan soo Muslimay waxaanan doonayaa inaan jihaadka galo. Qorigaygii waan wataa ee waxaan kaa rabaa inaad i siiso faras aan dagaalka ku galo.”
Sayidku wuxuu faray in ninka la siiyo faras uu aad u jeclaa oo magaciisa la odhan jiray Maadays. Ninkii ayaa si yaab leh u saluugay Maadays. Markii warkaas la gaadhsiiyey Sayidkii, wuxuu ku celiyey isagoo yaabban, “Ma Maadays buu diiday?” Haa ayaa loogu jawaabay.
Markaas ayuu Sayidku amar ku bixiyey in faraska la shirabo (la tuso orodkiisa) si ninka loogu tuso orodka, amarqaadashada, iyo tabaha cajiibka ah ee lagu yaqaanay Maadays. Maadays wuxuu goobtaas ku muujiyey wacdaro aan la ilaawi karin.
Kadib markuu arkay wacdaraha Maadays, Sayidku wuxuu gabaygan u tiriyey si uu faraska ugu duceeyo. Maadaama uu Maadays u isticmaalayay Jihaadka iyo Koryeelidda Calanka Ummadda, halkii uu ka ahayn mid uu ku tamashlaynayo, wuxuu Rabbi ka baryay in Maadays uu guyaal badan sii noolaado.
Gooddigii iyo Guubaabadii Sayidka
Sayidka ha ka sugin inuu gabayga ku soo koobo ammaanta faraska oo keliya. Gabaygan waxaa ka buuxa goodi kulul, hanjabaad, iyo faan uu u jeedinayo Isaaq iyo cid kasta oo diidan Jihaadka, kuna soo biirtay Gumaysiga.
Waa hubaal in laysku raacay in Sayid Maxamed Cabdulle Xasan uu khawaariqul-caada (mucjiso) ku ahaa ammaanta iyo aqoonta fardaha. Laakiin Sayidku ma wuxuusan khawaariqul-caado ku ahayn baa jiray?! Bal gabayga eeg, bal geesinimada eeg, bal gobannimada eeg, bal gaalo-lagadka eeg, bal gundheerida cilmigiisa diiniga ah eeg… Wuxuu ahaa Marxalad Soo Baxday! Allow kuu naxariiso.
Wuxuu yidhi:
· Waxa loo maleegtami jahaad, milaygii joogaye
· Muslin iyo Kufraa loo xarbiyi, labada meeloode
· Murtad weeye gaalada ninkaan, moosinkow tegine
· Ku minitida xarbiga wow qabnaa, muunyo iyo ciile
· Muramaysta dirirtiisa waad, mahadin doontaane
· Mudkuu geliyaa maarraha kufriga, waydin moog yahaye
· Anigana haddaan meleg i helin, soo maroorsadaye
· Waxaan mayllinkuu rabinayaa, cadho milaadkeede
· Masaafooyin kulul baannu marin, aniyo Maadeyse
· Majiiraha rogaalkaa wax badan, mowtigood geliye
· Korkiisaa magoolka u eg baa, dhidid madoobeyne
· Boodhkaa malleelkaa ku noqon, sida makhaayeede
· Mar kiciisa orodkuu kabtiga, muxubba rooraaye
· Sida mooladhaabuu carshiga, saray u moohaaye
· Gorgor samada meehaabi baa, lagu maleeyaaye
· Iidoorka miirida ah buu, meyra ka eryoone
· Meeshiyo magaalooyinkuu, maata doox dhigiye
· Muluq buu ka siin reerihii, may xerayn jiraye
· Macluum weeye oo neefku waa, mahad Ilaahaaye
· Mar haddaan maqaanaha ku xidho, maanku iga raacye
· Midigteyda Eebbow u daa, maalig baad tahaye
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed