·    Boga Daawad waataan lahaa, Bari ka soo dhiibe
Waataan bidhaan quruxsaney, soo bojooy idhiye
Waataan baadi celiyoy lahaa, yeeyan baylihine

·    Barbar uga du’ waataan lahaa, buurta yey korine
Waataan banuu diid lahaa, yeeyan baalidine
Waataan bad kuma caymatee, soo barrooy idhiye

·    Boholyowga Hawd bay durduro, budulka raacdaaye
Ballishiil kaliishay tagtaa, biliqda dayreede
Kobta adhiga beeduhu degey, kor uga baaddaaye

·    Banka waa ka carartaa sidii, gan iyo buubale
Baqoolaa hadhkii bay sidii, badalli roortaye
Biciidkey ku darantaa sidii, bahal ugaadheede

·    Bicil faraq ku yaal bay tiqiin, baariga u saare
Hareeriga ka baxay foocyadey, baaca gelisaaye
Sida geriga beryaha ah bay, bucusha laacdaaye

·    Bilbilaha mareedh caarley, baraqda daaqdaaye
Barqamaaga geydhaha baxay, balaga goysaaye
Caleen baacday tuurfaahistey, bulush cantuugtaaye

·    Bisiq hamasha buuniga dharjada ,udug buuracowga
Burdad ubax leh baar iyo uneex, baqas ku fuuraaga
Bunta waran barraajistey, balala qaadaaye

·    Bakadaha iyo xiitoolahay, banan u raacdaaye
Burca toon leh bacad ciidle bay, bara hoyaaddaaye
Intaasey ku baayiri jirtoo, baashi ku ahayde

·    Baran mayso meeshaa degtaan, boqol Alluu-naarye
Bog qalluudan beer godani waa, ba’iyo hooggeede
Ka soo bixiya waataan lahaa, baalcadii gubane

·    Jiilaal barraahsaday hadday, bila ku soo oonto
Badowlahada waataan lahaa, baara haw horine
Balxis geeya waataan lahaa, wey baduuxsamiye

·     Bilcataabihii iga xadaan, uga baqaayaaye
 Waataan baatriteedii lahaa, buurka yay tebine

·     Hal ma bededo waataan lahaa, beeya-gurihiiye

·     Waataan ku idhi hayga bixin, barqab baa dhalaye
 Ka bariiya waataan lahaa, beydda yuu jarine

      Bushuma aan run lagu oran waa,lagu beloobaaye

·     Waataan bahdaa yay ku lumin, kuula baashiraye
 Waataan bad baan kugula dhici, baane kuu idhiye

·     Bih-Ina-Faatax biixida jabtaan, baani kabihayne

·     Awel bay badaawidu galeen, bohol Walwaaleede
 Macayeedna buufamehey, badaha raaceene

      Adigana baroor bay indhuhu,kula basaaseene

·     Bulxankeeda olol baa ka roon, adiyo beeggaaye
 Haddaad haatan biixida wadheen, bag iyo haankiinna


Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti

Qalinkii & Tafatirkii: Mr: Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo