Aminta dhalashada curinta Maansadani waxay ahayd sanad xusuus gooni ah iigu leh, kuna daabacan baalka dahabka ah ee Suugaantayda. Waa hilaada tirsiga miilaadigu markii uu marayay 2014-kii. Sidaan hore usoo sheegay, sanadkaasi wuxuu ii ahaa sanad Suugaaneed oo mug leh.
Yeedhmada ‘Magaca’ Maansadani waa Abwaan Mudan. Waxay si gaar ah u sifaynaysaa, u qaadaa dhigaysaa, uguna micnaysaa macnaha Abwaanka bulshada dhexdeeda.
Kala Qaybinta Abwaanada
Maansadu waxay u kala qaadaysaa labada nooc ee ay halabuurku ku kala abtirsadaan, sida:
- Mid wanaagsan iyo mid xun
- Mid dheef leh iyo mid dhagar leh
- Mid garasho dheer iyo mid dhugmo la’
- Mid dhaxal-reeba iyo mid dhiilo-keena
- Mid mug leh iyo mid madhan
Anigoo ogsoon in hiddada halabuurka ay wadaagto dad badan, haddana waxaa lagu kala tagsan yahay garashada iyo gobanimada ruuxiga ah ee qofka. Laakiin magaca Abwaan waxa uu ku sifoobaa ruuxa u janjeedha xilli kasta dhanka wanaagga. Waayo, eray-bixinta kalmadda Abwaan waa Ab + Waano, taas oo macneheedu noqonayo Xididkii waanada iyo wax sheegga wanaagsan ee ummaddu af ahaan ka hesho.
Aniga oon hadalka ku badinayn, Abwaan waa darajo sare oo koobsata: Aragti-dheeri, Afti-hufnaan, Eray-dhisid, Aqoon-lihi, Ammaan-badni, iyo Alle-ku-xidhaansho xeel-dheer.
Shaqada iyo Qiimaha Abwaanka
Run ahaantii, abwaanku waa mufakir, muhindis, iyo mas’uul meelo badan wax ka arka, oo garasho afeed ku baahiya dareenno aroorayaal dhab ah leh balse inta badan aamusan.
Maansadani waxay muunaynaysaa Abwaanka wanaagsan ee aan amaanta badan ka soo sheegnay, iyo mid kaloo ku lid ah, hase yeeshee kaliya ay wadaagaan curinta.
Gudaha Maansada, horaanta furitaankeeda, waxay ka hadlaysaa mulkiga qaaliga ah ee Ilaah ku mannaystay ruuxa hibo ahaan loogu idmaday suugaanta. Kaas oo wanaagga uu suugaanta ku soo tabiyay awgeed ku hela maamuus iyo darajayn sare oo waarta, xattaa dhimashadiisa ka dib. Maansadu waxay si aad ah u balaadhin doontaa dhinacyada badan ee ay hibadiisu taabato, garashadiisa fog, hanuunintiisa, iyo naxariistiisa Aadanimo.
Intaa ka dib, Maansadu waxay geli doontaa wajiga kale ee ku lidka ah Abwaanka wanaagsan. Kaas oo noqonaya mid aan xumaantiisa iyo saamayn xumadiisa la soo koobi karin. Waxay sheegi doontaa sida foosha xun ee uu u isticmaalay hibadii Alle ku mannaystay, iyo aafooyinka uu ku reebo bulshada.
Xidhiidhka Afka iyo Burburka Bulshada
Waxa hubaal ah, bulsho kasta oo burburtay, in cirifka burburku uu ka bilawday afka oo liiday, ama kuwii wax ku sheegi lahaa oo laalay inay wanaag ku tabiyaan. Waxaynu isla ogsoonnahay in Abwaanku yahay macallimiinta ugu muhiimsan ee umadda afkaas leh.
Abwaanku waa tilmaame, weedhiisuna waxay reebtaa mahadhooyin talantaalli ah. Waxaa loo baahan yahay in isaga lagu dhiirigeliyo inuu arrimo wanaagsan ku maansoodo xilliga curintiisa. Hubaal, suugaantu ilaa hadda waxay ku jirtaa isgaadhsiinta ugu muhiimsan ee la isticmaalayay muddooyin badan, lana sii isticmaali karo waqtiga hadhay.
Intaa ka dib, Maansadu waxay maraysaa xukunka sharcigaygii u goonida ahaa suugaantayda, kaasoo ahaa inaan sumaddii baadi-soocda ahayd ku dhifo, si aan loogu murmin (qofkii tiriyay).
Maansadii: Abwaan Mudan
Mulki weeye aan dhiman
Hal abuurku waa maal
Waa marin tilmaan badan
Milgihiisu waa door
Anna madasha faalada
Maamuuska Ereyadda
Aan maalo weedhaha
Midabiyo tilmaan sugan
Maqaamaad hal-doorliyo
Mataanaha fal-sheegaa
Aan ku muujo xeerkii
Murtiyahay aqoon jiray
Maqal waara oon gudhin
Hal-abuur mutaystiyo
Aan afkii abwaan maray
Gobonimo muraad laa’
Maansada ku daah furo
Waxaan ahay Abwaan mudan
Miisaanka waayaha
Meerisyada wixii jirra
Moolkiyo wixii dadan
Anigaa micnaha hella
Waxaan ahay masuul qoom
Waxaan ahay masuul qaran
Waxaan ahay masuul qoys
Waxaan ahay masuul qowl.
Maarreeya howlaha
Maatada anaa hagga
Anaa maanka Aadmiga
Maskaxaha dadkaan ahay
Ku abuura muusaha
Anigaa milgaha bara ?
Maaweelo doorloo
Maxabiyo wanaagloo
Dadku moogyahaan ahay
Laxannada macaaniyo
Muusigiyo dhawaaqaba
Erey lagu mataanshoo
Laga maarmi karin iyo
Muftaaxii fankaan ahay
Fanaan macalinkiisiyo
Maskaxdiisu waa ani
Murtidiyo odhaahdiyo
Macnihiyo araartanna
Mugeedaan ku seesaa
Muuqaal humaagloo
Maanku uu fahmaayaan
U min guuriyaa weedh
Miisaame erey iyo
Meeleeye waa ani
Maaxdoo durduurtiyo
Waxaan ahay misbaax jira
Manka iyo ugbaadkoo
Meel dheer ku yaaloo
Muuqooda daymada
Muhashada dalxiiska leh
Milicsga doonoo
Lagu helin is moodsiis
Muran iyo is-yeel yeel
Muunadooda heerkaa
Waxaan ahay mug ruux dheer
Meelo aanad gaadhayn
Magaalooyin kaa dheer
Adoo minnanka joogaan
Ku mushaaxiyaa kayn
Hirar mowjad guuxdoo
Muuqaal tilmaantoo
Waxaan ahay ma guurtaa
Macaan iyo duxbaan ahay
Macne iyo jidbaan ahay
Same miiran baan ahay #
Maalin qudha usbuuc qudha
Mirir iyo habeen qudha
Ma nastoo danteenaan
Hurdo ugga maqnaadaa
Maatadda xaqeedaan
Meershaa la raadshaa
Dulmigaan muquunshaa
Sinaantaan run maalaa
Anaa moosa beentiyo
Musuqiyo xumaantana
Miidiyo Odhaahdiyo
Anaa idhi maqaaladan
Midig bidix la’aanteed
Waa madi itaaldaran
Midnimaa danteenaa
Muraadkeenu waa guul
Maala dhayda xoolaha
Mooska beera geedaha
Muruqiyo laxaadkiyo
Mataaneeya tabacoo
Meeleeya howlaha
Anigaa marxaladaha
U mir kaca alayl dama
U dhex-mara kulayliyo
Milic’ iyo gabood li’i
Anaa meerto kuur galla
Anaa maanka howl farra
Maalmaha is-dabayaal
Wakhtigaan marayniyo
Waxaan moodnay waa hore
Markaan helo xogtoodana
Waxaan mala-awaalaa
Maqantiyo waxaan dhicin
Mufti caalim diinloo
Mad-habbada yaqaaniyo
Masaalkeygu waa sheikh
Midan kale midhkaan kale
Milicsiga hormada kale
Hadii aan mattalo ruux
Mulki haysta qaaliya
Misna aan ku maarayn
Macnayaasha doorka le’
Oo ku maalay tii daran
Oo ku maaga aadmiga
Oo ku moosay tii sare
Oo ku meersha tuu rabo
Oo ka maagay taan sido
Anigoo matalayana
Ku min furay odhaahdii
Waan muunad badanoo
Midabada is diidaan
Marba nooc tilmaamaa
Waxaan ahay abwaan madhan
Mugdiyoo ogaal siran
Mar anaa masiibada
Murugada qabiilkiyo
Mashaqada anaa dhala
Marinkii xumaantiyo
Waxaan ahay minkeedii
Madfac guba wanaagiyo
Miinshaar afweyniyo
Maqas iyo dubaan ahay
Mindi daab la’ baan ahay
Magacyada qabiilkaan
Marba nooc hagoogtaa
Musuq-maasuq baan ahay
Mugdigiyo iftiinkana
Madowgaan u hiishaa
Xaqa waan min-dooxaa
Milgihii abwaanimo
Miisaan xilkiisii
Anigaa micnaha dila
Ereygaan marmaranaya
Deeq mowla keeniyo
Ogow waa maniyo sharaf
M’dan xarafka yeedhaa
Meerisyadan wax-sheegaa
Maansadan tilmaantaa
Iskamaan makeekiyin
Iskamaan mukuri-tirin
Iskamaan masaal dhihin
Muraadkaan ka yeeshiyo
Waxbaan uga mug-leeyahay
Waa mirsaal dhamays tiran
Waa mirsaal dhan waanaa
Waa mirsaal dhig iyo lool
Ku mus-xidhan dhanbaal wacan
Waa mirsaal dhaliil wada
Waligeey tix’aan maray
Waligeey tix’aan miray
Waligeey tix’aan milay
Maansada duxaan xulay
Muga xarafka suugaan
Maal iyo aduuniyo
Manfac ruux ku diidoo
Magac doorbidaan ahay
Mahadhada dhigaalkaa
Milge iyo tilmaan saxan
Ruux maanka galiyoo
Micne doortaybaan ahay
Maqaamkayga ruuxaan
Maamuus i siinayn
Ma martiyo intaan jiro
Mida kale midhkaan kale
Milicsiga sadkaan kale
Maguurtada dirkeeniyo
Miisaanka sooyaal
Ruuxaan murtida bilin
Madal lama fadhiistoo
Midig kuma salaamoo
Uma maalo deexdoo
Uma quudho miidoo
Hadii aan mucsiinlaa
Muumutaysan muu garan
Mudantiyo duxdeedii
Muumaa mamuu taban
Marti sooryo jaan go’an
Maamuus tix xeel-dheer
Marin furan jid ii maran
Maqaar saar alfaad culus
Murti saran sarbeeb dadan
Maqal maqal, milgaha dhuux
Maskaxdii Digeed iyo
Iga hoo miskiin erey…
Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaanta ee Murti
Curtintii & Tafatirkii: Abwaan Cumar Ismaaciil Digeed