Abwaan Ducaale Dheere wuxuu ahaa gabayaa ay maansadda isku hujuumi jireen Salaan Carabey.  Gabayo badan oo is daba socda ooy isu tiriyeen ayaa jiray, midkan aan dhawrka beyd een wada saxnayn ka haynana kuwaa ayuu kamid ahaa.  Meel laga heli karo haddii aad og tahay kan iyo kuwa kalaba nala soo socodsii.  Wuxuu yidhi:


  • Soofoow sarkaalkuba marbuu, sahayda waayaaye
  • Saabaanka waa laga tirshaa, suudi-daarrada e
  • Inaan waayo saranseer ahaa, saa anaa faraye
  • Samri waa Salaankii wax badan, layga saamaxaye
  • Sawdkii horeetiyo Cawaan, kaga sariigtaaye
  • Suryadaan fadhiistaba qolaan, summad ku duugaaye
  • Oo lagaga soocaa naflaha suunta wada yaalle
  • Saableyda meeshaan u dhigay, Saahid baa garanne

Cid walba oo heli karta Suugaanta Abwaankan Fadlan Cinwaanadda hoose hanagala soo xidhiidho.

[email protected]

Kaydintii: Akadimiyadda Afka iyo Suugaante ee Murti

Raacdayntii & Tafatirkii: Mr. Cumar Ismaaciil Digeed

By

"Abwaan Digeed waa Curiye Suugaaneed oo shaqadiisa ku saleeyay waayo-aragnimo qoto dheer oo uu u leeyahay Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed. Waa Haystaha Shahaadada Labaad ee Jaamacadda (Master's Degree), taasoo u sahashay inuu suugaanta u dhex galo cilmi iyo falanqayn sare. Gabayadiisa waxaa lagu yaqaannaa xigmad, falsafad, iyo qaab-dhismeed aan caadi ahayn, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah abwaanada ugu tayada sarreeya ee isku daray dhaqan iyo aqoon casri ah."

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error: Halkan kaga boggo