Abwaan Muxamed Haykal Muxumed Cabdi— Maanso “Ab-waanshe Iyo Wabiin Wadaad-diide”
Maansadan la magac baxday “Doodii Ab-Waanshe Iyo Wadaad-Diide”, waxaa tiriyey Abwaan Muxamed Haykal Muxumed Cabdi tirsiga hilaadda miilaadigu markay ahayd 15-04-2015. Waa maanso aad ka dheegan doonta sida idiinka muuqata Ab-waanshe Muxamed Haykal habka quman ee murtiyeysan inoogu soo gudbinayo dooddii isaga iyo Wabiin Wadaad-Diide dhexmartay. Ka bogosho wacan wuxuu Ab-waanshe yiri:
–Anigiyo nin waayadan
–Yara wabax taraaroo
–Lagu diray wadaaddada
–Ayaa dood wanaagnoo
–Weyddiimo dooriyo
–Ka jawaabid waafiya
–Isu wabinnay dhawr jeer;
–Wuxuu yidhi wadaaddadu:
–Ninyoow waayadii hore
–Waxa ay ahaayeen
–Niman weyso qaatoo
–Wardiyoo shallaadoo
–Markay reer ku weecdaan
–Wanan loo bireeyoo
–Wacdigiyo xadiiskiyo
–Waslad hilib ah mooyee
–Walax kale ku hawshoon!
–Waxaan idhi wadaaddada:
–Wacanoow Rasuulkii
–Warasada Anbiyadiyo
–Wanaag buu ku sheegoo
–Waqood abadankoodii
–Rabbi weedhihiisiyo
–Waxyigiyo kitaabkiyo
–Xaqa waadixiisiyo
–Wacad Eebbe mooyee
–Ma wax lagu dhaliiliyo
–War xun baad ka haysaa?
————-****—Β——–
–Wuxuu yidhi wadaaddadu:
–Waagii colaadaha
–Haddii weerar uu dhaco
–Amma Wiido lala tago
–Dabadeed wisiisiga
–Warmo laysku dawdabo
–Waxba kuma filnaan jirin!
————-****—Β——–
–Waxaan idhi wadaaddadu:
–Caamada warkeediyo
–Weheshiga qabiilkiyo
–Walacsiga sharkiisaba
–Weynaa ka dhawroo
–Ma’hurtada is wiiqdee
–Waaxyaha is goysiyo
–Dakanada walaalaha
–Taariikh la weriyiyo
–Wax san uma rumaysnee
–Waddo kale ma haysaa?
–Wuxuu yidhi wadaaddada:
–Wakhtigeennan joogaa
–Shiddo iyo waxyeelliyo
–Muran iyo wareer iyo
–Wahan bay na geliyeen!
–Waxaan idhi wadaaddadu:
–Ma ogtahay walaaloow
–Markay kala warraaqdee
–Taladuna wansiixdee
–Waddankeennu baabba’ay
–In ay kaalin waafi ah
–Wadartood guteenoo
–Hadday tahay waxbarashiyo
–Waqafkiyo agoontiyo
–Waaxyaha dhaqaalaha
–Waxtar togan ka gaysteen?
–Wuxuu yidhi wadaaddada:
–Wakhtigeennan joogaa
–Gabadhii wacnaatee
–Weji iyo hannaanlee
–Waqal iyo daruur u eg
–Intay waalidkeediyo
–Waaligeeda doontaan
–Woxogaa adduunana
–Warqad uugu laabaan
–Ayaa lagu wareejaa
–Hawl yaraan walwaashaan!
–Waxaan idhi wadaaddadu:
–Sidii weylo oon dilay
–Weyd socota maahoo
–Caleen lagu wareeriyo
–Qaadka kuma walfaanoo
–Waayirradu ma gubannine
–Hadba waajibkooday
–Werwer li’i gutaanoo
–Noloshaba intii wacan
–Ayay weheshadaanoo
–Waxaan Eebbahood farin
–Wakhti kagama baaqdee;
–Maxaad adigu wiiloow
–Waagii guduutaba
–Wax xun uga qortaayood
–U dhigtaa Websaydyada?
–Wuxuu yidhi wadaaddada:
–Adaa Weliyo moodee
–Diinta kama wakiil aha
–Aniguna warkoodiyo
–Wadar ceebahoodaba
–Wax kastoon ka qori karo
–Waan sii wad’wadayaa!
–Waxaan idhi wabiinyahow:
–Wanaag uuma jeeddide
–Sidii ruux wajaqanoo
–Beri waashay oo kale
–Walwalaaqo caydoo
–Ku waliimo murankoo
–Weligaa is yeelyeel
–Aniguna wed mooyee
–Inta weedha gabaygiyo
–Weeraarta maansadu
–Weelka iiga buuxaan
–Wallee kaama waabtee
–Waa innoo fagaaraha!
Tixraac: Qaryan Buureed
Kaydintii: Murtiyosuugaan
Raacdayntii: Cumar Ismaaciil Digeed