Gabaygan waxuu marshay Abwaan Guuleed jucufo mid iidoor ah Askartii Ingiriiska ka mid ahaa lana odhan jiray cabdi Dhakhtar ayaa yidhi waan ku gabyi Isagoo la hadlaya Guuleed jucufo Kolkii la is arkayna cabdi Dhakhtar waxuu yidhi war waan kaftamayee gabay ma hayo. Guuleed baa ugu jawaabay Anigu waa ku sugayey ee Afaraydii reerkiina lagu yaqaanay soodaa kolkii cabdi Dhakhtar afkiisa kalmad laga waayey baa Guuleed Jucufo halkii gabaygan ka marshay Waxuu Yidhi Abwaanku
Bada gabay baryahaan Aw cabdoo uma bareereene.
Waataan ka baaliday halkii iyo bilicdii deyreede.
Eegan waxaa ii birmaday baqalkii Iidoore.
Barxina maayo gortii dagaal leesku beegsado’e.
Baqano waa iga xaraan hadaad boqol nin kentaan.
Buntuq iyo rasaas baan ahay iyo bir aan lalaabayn.
Dun ninkaan baleeyaa mabaxo bil iyo dheraade.
Bilaahi iyo waxaan dhaar ku maray inuu baloobaaye.
Boosaha intaan ku arbacaan biib ku rarayaaye.
Ragii boobadaan joogi jiray buucna laga waaye.
Bushka waxaan ku riday Gaheyr iyo inankii burnaaye.
Waxa Daahir beygaas udhigay waa waxaan badaye.
Nin bareera iyo reer isaaq baarqab lagawaaye
Hadii ayan ba’naan igu ogeen ima bariyeene.
Bahyar iyo maskiin baan la dhacay burarkii weynaaye.
Adiguna hadaad kii badli waa laguu bagaye.
Eegana waxaan kuu balaqi bari iyo loos daane.
Biyo ceel ka badan reer tollkeey badanoow Daaroode!.
Barbarkaan ujeestaba aneey ii banaan tahaye.
Butilina hadhihin yaan cabdoow buuboow soo kicine
Afartaas bashle iyo xaajo iyo babac dhankeygii dheh.
Bahda mid aan ka soo eegay iyo baddaan soo helay dheh.
Waan kuu bareeraye nin aan baqanin yeedhiis dheh.
Baab kalane waa hadal yaroo kuu banaanad dheh.
Aqal buur ka weyn iyo aroos waa wax loo bogay dheh.
Gaarida bilaash lagu helaa waa baxdooynimo dheh.
Basar iyo wanaag iyo xargo baabad iyo luuli.
Bilaash socodka laafyaha hadeey bahaan gacanteeda.
Barida iyo kubka iyo foolashoo wad bidhaamaayo.
Nin buruud leh baa loo dhisaa dhogorbusaanleey.
Hayeshee haweenkii kabaqay banadkii Iidoore.
Bowdkii canbaro jeexday baa laga bariqdaaye.
Nimanbaa sidii booran dili baalka soo surane.
Waa wada buraanburi markeey biig ka bixiyaane.
Dabadeed barwaaqo iyo uqabo baydi iyo qooqe.
Dad ka barany Iidoor haduu boqol karonaaye.
Baladaasna reer ciidagale yeey ku bixiyeene
Isna Habr jeclaa iga badalay nagula beeyooye.
Biyo aan gal lagu horineen waa bar kuma taale.
Hadalkaan runtiisa la baran balalaf weeyaane.
Bishaas iyo bishedaa shib baan kaaga baxayaaye.
Kaydintii: Murtiysuugaan
Ticraac: Cumar Mahamoud Hirsi
Raacdayntii & Tafatirkii: Cumar Ismaaciil Digeed